Presentation is loading. Please wait.

Presentation is loading. Please wait.

Tababarka Shaqaalaha Daryeelka Guriga

Similar presentations


Presentation on theme: "Tababarka Shaqaalaha Daryeelka Guriga"— Presentation transcript:

1 Tababarka Shaqaalaha Daryeelka Guriga
Soo Dhowoow! Fariimaha Tababaraha: Waxaan jeclaan lahayn in aan kugu soo dhawayno Tababarka Shaqaalaha Daryeelka Guriga. Waxaan ku faraxsannahay in aad halkan joogto oo aad rabto in aad qayb ka noqota shaqaalaha taageerada siiya dadka waayeelka ah iyo dadka qaba naafanimada in ay sii joogaan guriga iyo bulshadooda dhexdeeda. Shaqada aad qabataa aad bay muhiim u tahay waxaanad haysataa fursad aad isbedel ugu keeni karto nolosha dadka kale. Tani waa mid run ah haddii aad la shaqayn doonto xubin kaliya oo qoys ka tirsan ama shaqaale xirfad leh ahaan ugu shaqayn doonto macaamiil badan. Tababarka Shaqaalaha Daryeelka Guriga 1

2 Waxa aad Baran Doonto Maanta
Waxa ay yihiin HCW iyo waxay ay sameeyaan Sida loo noqdo HCW Xiriirka shaqo Xirfadnimo: Doorarka iyo Rajooyinka Waxa uu yahay Liiska Hawshu Sida ay HCW lacagta u helaan Siyaasadda wakhtiga safarka shaqo 2

3 Waxa aad Baran Doonto Maanta
Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon (OHCC) Diiwaanka iyo Tababarada OHCC Qarsoodinimada Soo SheegistaWaajibka ah & Noocyada xadgubub Badbaadada iyo Taxadarada Guud 3

4 Sababta Ahaanshaha HCW Ay Muhiimka u tahay
Adeegyada Guriga-dhexdiisa laga bixiyo ee Dadka Waayeelka iyo Naafada ah waxaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo madax bannaanida qofka, sharaftiisa iyo kala doorashadiisa iyada oo dadka awood u siisaa in ay guriga joogaan. Waxaad ADIGU qayb muhiim ah ka tahay in taasi laga dhigo mid dhacda! Fariimaha Tababaraha: Oregon waxay horyaal u tahay marka ay noqoto adeegyada daryeelka muddada fog iyo taageerada iyo ka caawinta in ay dadku joogaan guriga halkii ay ku noolaan lahaayeen xarumo lagu daryeelo. Waaxda Adeegyada Dadweynaha waxay balanqaad xoogan u samaysay dadka waayeelka ah iyo dadka qaba naafanimada iyada oo siinaysa fursado kala doorasho oo ku saabsan sida ay rabaan in ay u noolaadaan iyo sida ay doonayaan in loo caawiyo. Ku noolaanshaha guryahooda gaarka ah, halkii ay u guuri lahaayeen xarun daryeel, waxay dadka waayeelka ah iyo dadka qaba naafanimada siisaa sharaf, kala doorasho, iyo madax bannaani. Shaqadaada ah shaqaalaha daryeelka guriga ahaan waxay dadka awood u siisaa in ay hadafkan gaaraan. 4

5 Muxuu Qabtaa Shaqaalaha Daryeelka Gurigu?
Fariimaha Tababaraha: Waxa ugu muhiim ee shaqaalaha daryeelku gurigu qabtaa waa in uu dadka waayeelka ah iyo dadka qaba naafanimada ka caawiyo in ay guriga ugu noolaadaan sida uga badbaadada badan uguna madaxa bannaan ee ugu macquulsan. HCW waxay tani qabtaan iyaga oo ka caawinaya: Daryeelka shakhsi sida qubayska, lebisashada, nadiifinta, nadaafada, ka caawinta musqusha, dhaqdhaqaaqa, daryeelka saxarada iyo kaadida, iyo cuntada. Waxyaalahan waxaa sidoo kale loo yaqaan Hawlaha Nolol Maalmeedka ama ADL. Mid kale oo ka mid ADL waxaa loo yaqaan garashada qofka – tani waxay shaqo ku leedahay caawinta qofka iyada oo sababtu tahay jahwareer ku dhacay ama loo baahday in kor lagala socdo ama qaba dhibaatooyin dhanka badbaadada la xiriirta iyada oo ay sababtu tahay dhibaatooyin dhanka xasuusta ah iyo waxyaabo kale. Hawlaha guriga sida, shaqada guri, dhaqidda dharka, diyaarinta cuntada, iyo soo adeegashada. Waxyaalahani waxaa sidoo kale loo yaqaan Hawlaha Nolol Maalmeedka Muhiimka ama IADL. IADL kale sida maareynta hawada (oxygen) iyo gaadiidka Qaarka mid ah HCW waxay dadka ka caawiyaan hawlaha la xiriira caafimaadka sida ku durida irbada sonkorta ‘insulin’ , fiirinta qiyaasta sonkorta dhiiga ku jirta, bixinta daryeelka boogaha, daryeelka neefsashada, tuubada quudinta, oo tusaalooyin loo soo qaatay. Wax kale oo muhiim oo ay HCW qabtaan waa in ay u shaqeeyaan sida saaxiib qiimo leh oo macaamiisha ka caawiya in ay gaaraan waxa muhiimka u ah iyaga. HCW waxay si dhow ula shaqeeyaan macaamiisha maamulayaasha dacwada, kalkaalisooyinka caafimaadka bulshada RN, xafiisyada APD/AAA ee degaanka, iyo Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon. Waxaan taasi si dheeraad ah uga hadli doonaa muddo dhowr daqiiqo ay inaga xigto. Shaqaalaha HCW waxay u shaqeeyaan macaamiisha ka qayb qaadanaya barnaamijyada kala duwan ee uu bixiyo barnaamijka Dadka Waayeelka iyo Naafada ah: Barnaamijka Macmiilka-Shaqaaleeya Daryeel Bixiyaha (Medicaid) Barnaamijka Masuurfka Qof La Isqabo Qorshaha Gobolka ee Daryeelka Shakhsi ahaaneed Barnaamijka OPI Kala doorashada Madaxa bannaan (shaqaalahini waa Shaqaalaha Taageerada Shakhsiyeed ee ka shaqaynaya barnaamijka APD ee guriga dhexdiisa) Muxuu Qabtaa Shaqaalaha Daryeelka Gurigu? 5

6 Dhammaan HCW waa xirfadleyaal
Noocyada Shaqaalaha Daryeelka Guriga Xirfadleyaasha HCW Waxay hab saacad ahaan ku saleysan ugu shaqayn karaan qof kasta oo u qalma adeegyada guriga-dhexdiisa ee Medicaid. Shaqaalaha Xaddidan Ee HCW Waxay kaliya hab saacad ahaan ku saleysan ugu shaqan karaan hal macmiil oo gaar ah. WAXAAD TIRAAHDAA: HCW waxaa lagu tilmaamaa xirfad shaqo ama mid xaddidan labadoodaba. HCW xirfad shaqo leh waxay u shaqayn karaan qof kasta oo u qalma adeegyada guriga-dhexdiisa laga bixiyo ee Medicaid ama waxay u shaqayn karaan OPI. HCW xirfada shaqo leh waxay go'aansan kartaa in ay u shaqeeyaan hal ama dhowr macmiil. Haddii HCW xirfad shaqo leeyahay wuu bedeli karaa/way bedeli kartaa mar kasta Diiwaanka iyada oo laga bedelayo“raadinaya shaqo” lagana dhigayo “aan raadinayn.” HCW xaddidan waxay kaliya u shaqayn karaan hal macmiil oo gaar ah, sida caadiga xubin ka tirsan qoyska ama saaxiib mana heli karo gudbinta la isku gudbinayo Diiwaanka. HCW sida caadiga waxaa loo arkaa in uu yahay/tahay mid xaddidan iyada oo ay ku salaysan tahay baaritaanka taariikh dambiyeedkiisa/keeda, da’da (haddii laga yar yahay 18 jir), ama xirfadaha. Dhammaan HCW waxaa loo arkaa in ay yihiin xirfadleyaal waana in ay u dhaqmaan sidaasi marka ay u shaqaynayaan macaamiisha iyo shaqaalaha APD ee degaanka. Waxaan taasi si dheeraad ah uga hadli doonaa xirfadnimada. Jadwalka shaqo ee HCW Saacad ahaanta u shaqeeyaa wuu kala duwanaan karaa. Qaarka mid ahi waxay shaqayn karaan 40 saacadood toddobaadkii ama dhowr saacadood bishii. Saacaduhu waxay ku salaysan yihiin qorshaha adeega ee cida loo shaqeeyo. Dhammaan HCW waa xirfadleyaal 6

7 Maxay tahay in aan ogaado si aan u bilaabo?
7

8 Si aad isku qorto, waa in aad: Ka soo Qayb gasho Tababarkan isla markaana
Noqo ugu yaraan 18 sano jir Buuxi arjiga codsi Caddee in aad si sharci ah uga dhex shaqaysan karto Maraykanka (I-9) Lahow magac sharci oo ay isku mid yihiin ka SSN-kaaga Lahow baaritaanka taariikh dembiyeedka oo la oggolaaday Saxiix Heshiiska Diiwaan gelinta Daryeel Bixiyaha Saxiix heshiiska qarsoodinimada Lahow xirfadaha, aqoonta iyo awood lagu shaqeeyo Buuxi W-4 ee canshuur heynta Fariimaha Tababaraha: Noqo ugu yaraan 18 sano jir Buuxi arjiga codsi Caddee in aad si sharci ah uga dhex shaqaysan karto Maraykanka (I-9) - (tusaale, warqada dhalashada, baasaboor, ruqsadda baabuurka lagu wado ), taasi oo ay tahay in ay fiiriyaan xafiiska APD/AAA ee degaanku si loo buuxiyo foomka I-9. Waa in aad soo bandhigtaa warqado asal ah, aanu wakhtigoodu dhicin ee I-9 aad leedahay (lama oggola nuqulka sawirka; lama oggola ODL wakhtigiisu dhacay) Lahow magac sharci oo ay isku mid yihiin ka SSN-kaaga – Tani waxaa la soo xaqiijin doonaa inta aanan lagu siin lambarka daryeel bixinta. Lahow baaritaanka taariikh dembiyeedka oo la oggolaaday - Tani waxaa ka mid ah fiirinta wixii taariikh dambiyeed ah iyo taariikhda eedaymo xadgudub oo la taaban karo dhaceen. Mararka qaarkood, waxaa la iskaga baahan yahay in faraha la iska qaado. Tani waxaa dib loo eegaa 2 sano ee kasta. Kala hadal foomamka baaritaanka taariikh dambiyeedka iyo sida loo buuxiyo. Ku guuldareysiga qorida dembi kasta oo la isku caddeeyay wuxuu keeni karaa in la diido. Waxay qaadan kartaa 2 toddobaad ilaa 2 bilood si tani dib loogu helo. Saxiix Heshiiska Diiwaan gelinta Daryeel Bixiyaha Saxiix heshiiska qarsoodinimada – Tani waxaa markhaati lagaga noqdaa xafiiska degaanka. Lahow xirfadaha, aqoonta iyo awood lagu shaqeeyo Buuxi W-4 ee canshuur heynta Ka dib marka arjigaaga codsi la oggolaado oo aad ku gudubto baaritaankaaga taariikh dembiyeedka, waxaa lambarka daryeel bixinta lagaaga soo saari doonaa xafiiska dhexe ee APD ee Salem. Lambarka daryeel bixintu wuxuu muujinaya in aad qoran tahay Barnaamijka Macmiilka-Shaqaaleeya Daryeel Bixiyaha. Waxaa loo isticmaalaa soo saarida lacagaha daryeel bixinta ee lagu siinayo. 8 8

9 Lambarka Daryeel Bixiyaha HCW
6 lambar ee hada laguu qoondeeyay. Lacag laguma siin karo HCW ahaan haddii aadan haysan, lambarka daryeel bixiyaha oo sax ah, oo cusub. Waa mas’uuliyad aad ADIGU leedahay HCW ahaan in aad garanayso marka lambarka daryeel bixiyahaaga uu wakhtigiisu dhacayo isla markaana wakhtigii loogu talagay aad ku cusboonaysiiso (ka fiiri Diiwaanka). Waa in aad nidaamka cusboonaysiinta bilowdaa ugu yaraan 70 maalmood ka hor inta aanu dhicin wakhtiga shahaadadaada aqoonsi adiga oo la xiriiraya xafiiska degaanka. Haddii aanay taasi dhicin, markaa ma jiro damaanad qaad ah in hawsha lagu qaban doono wakhtigii loo baahnaa mana shaqayn kartin isla markaana lacag laguma siin karo. Fariimaha Tababaraha: - Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. Marka aad nidaamkaaga diiwaan gelinta dhameystirto,waxaa lambarka daryeel bixinta kuu qoondayn doonta DHS. Kani wuxuu ka kooban yahay 6 lambar waxaana loo isticmaalaa in lagugu aqoonsado HCW ahaan waana in aad mid leedahay si aad lacag u hesho. Waxaad lambarkaaga daryeel bixinta ka arki doontaa foojarkaaga lacagta lagu bixiyo korkiisa, Liiskaaga Hawsha, iyo warqada tilmaanta lacageed. Waxaad lambarkan u isticmaali doontaa Diiwaanka iyo warqada aad buuxin doonto inta lagu jiro tababarada. Marka aad wacdo xafiiska APD ee degaanka ama OHCC, waxaa laga yaabaa in ay codsadaan lambarkaaga daryeel bixinta. Waa fikrad wanaagsan in aad xafido lambarkaaga daryeel bixinta ama waxaad dhigataa meel aad si fudud uga heli karto. Lambatkaaga daryeel bixintu waa in uu noqdaa “mid shaqaynaya” si aad lacag u hesho. Si aad lambarkaaga uga dhigto mid shaqaynaya, waa in aad cusboonaysiisaa shahaadadaada aqoonsi adiga oo xaqiijinaya in aad wakhtigii loogu talagalay ku cusboonaysiiso taariikh dembiyeedkaaga. Haddii aad wakhtigii loogu talagalay ku cusboonaysiin weydo taariikh dembiyeedkaaga, lambarkaaga daryeel bixinta wakhtigiisu wuu dhici doonaa adiga oo aan awoodi doonin in aad shaqayso ama lacag hesho. Waxaa suurta gal ah in lambarkaaga daryeel bixinta uu sidoo kale wakhtigiisu dhaco haddii aadan shaqaynin ama aad lacag ku hesho wakhti ka kooban 13 bilood. Haddii taasi dhacdo, waa in aad mar kale martaa nidaamka diiwaan gelinta oo dhan. Haddii aadan haysan lambarka daryeel bixinta oo shaqaynaya, laguu gudbin maayo Diiwaanka. Waxaa jira sababo dhowr ah oo lagu joojin karo lambarkaaga daryeel bixinta, taasi oo macnaheedu yahay in lagaa saari doono barnaamijka adiga oo aan hada ka dib awoodi doonin in aad u shaqayso HCW ahaan (fiiri bogga xiga). Haddii aadan haysan lambarka daryeel bixinta oo shaqaynaya lacag heli maysid. Xataa haddii dhanka afka lagaaga oggolaaday in aad shaqayso., lacag heli maysid. Haddii ay mas’uuliyadaada tahay in hubiso in aad haysato lambarka daryeel bixinta oo shaqaynaya.

10 Daryeel Bixiyaha Medicaid
HCW ahaan, waxaad tahay Daryeel Bixiyaha Medicaid waana in aad raacdo xeerarka Medicaid. Haddii aad raaci weydo, waxaa dhici karta: In aadan lacag helin In aad lumiso lambarkaaga daryeel bixinta Iyo markay noqoto musuqmaasuq iyo xadgudub, aad xabsiga aado XEERARKA OGOW

11 Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal.
Ku xadgudubka Xeerka Guud Waad lumin kartaa lambarkaaga daryeel bixinta wixii la xiriira: Samaynta xadgudubka; Qaadashada ama deynsiga lacageeed ama shay ay leedahay cida aad u shaqayso. Dayacaada baahiyaha adeeg ee cida aad u shaqayso. Aflagaadeynta cida aad u shaqayso. Samaynta musuqmaasuq Sheegashada saacado aan la shaqayn. Foorjari garaynta saxiix ama ka been sheegida diiwaannada bixinta lacagta. Shaqaynta wakhti dheeraad ah oo aan la oggoleyn. Fariimaha Tababarka: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. Lambarkaaga daryeel bixintu wuu ka badan wax loo isticmaalo bixinta lacagta. Wuxuu calaamad u yahay in aad leedahay sharaf gaar ah oo laguu oggolaaday in aad adeegyo taageero siiso dadka waayeelka ah iyo dadka qaba naafanimada. Waxaa jira qaar ka mid ah sababaha qaarkood oo aad u lumin kartaa lambarkaaga daryeel bixinta. Samaynta xadgudubka; Dayacaada baahiyaha adeeg ee cida aad u shaqayso. – Xusuusnow haddii aad qabto walwal la xiriira caafimaadka ama badbaadada macmiilka, waa in aad u sheegto Maamulaha Dacwada. Aflagaadeynta cida aad u shaqayso – tani macnaheedu waxay noqon kartaa iyada oo loo lagu qeyliyo, habaaro iyaga oo meesha jooga ama la hortaagan yahay. Samaynta musuqmaasuq Sheegashada saacado aan la shaqayn. Tani waxaa ka mid ah aadida guriga macmiilkaaga/cida aad u shaqayso adiga oo aan qabanayn shaqooyinka ku qoran liiska hawsha. Waxaa lacagta laguu siiyaa in aad qabato hawlahani. Haddii aad samaynayso waxyaabo kale, sheekaynayso, TV daawanayso iwm….waxay noqon kartaa musuqmaasuq. Foorjari garaynta saxiix ama ka been sheegida diiwaannada bixinta lacagta. Shaqaynta wakhti dheeraad ah oo aan la oggoleyn. Waxay sidoo kale ka dhigan tahay in lagaa filayo in aad heerka tayo ee la rabo joogto kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Qarsoodinimada. Ixtiraamka xuduudaha saxda ah. Xushmeynta xuduudaha ku xeeran dhaqaalaha/lacagta/adeegyada. Ula dhaqanka qof kasta si ixtiraam leh. Caawinta qofka aad taageerto si looga hartago xadgudub loo geysto. Soo sheegista wixii xadgudub ah ee la tuhunsan yahay. Sheegista runta – gaar ahaan ta ku saabsan saacadaha aad shaqayso. Ahaanshaha shaqaale mas’uul ah (aan khamri cabayn ama aan daroogo isticmaalayn inta shaqada lagu jiro). Dad ama xayawaanka la korsado ha keenin guriga macaamiisha iyadoon la haysan oggolaanshaha macaamiishaada. Had iyo jeer shaqada ku kaalay wakhtigii loogu talagalay Haddii aad hayso su’aalo ku saabsan wax uu macmiilkaagu kaa codsaday in aad qabato, la xiriir Maamulaha Dacwada ee macmiilka 11

12 Waad lumin kartaa lambarkaaga daryeel bixinta wixii la xiriira:
Wadaagista shay qarsoodi ah, xataa qof aad u malaynayso in aad aamini kartid. Qof kale ha siin xaashidaada lacagta lagu bixiyo ‘foojarka’ si ay u keenaan Foojarkaaga ha u isticmaalin in uu noqdo caddeyn shaqo Khamri cabida goobta shaqada ama iyada oo la shaqaynayo. Si isdaba joog ah uga soo daahida ama ka maqnaanshaha shaqo. Fariimaha Tababarka: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. Shakhsiyaadka aad u adeegtaa adiga ayey kugu xiran yihiin. Tani macnaheedu waa in aad buuxinayso baahidooda isla markaana aad ilaalinayso waxyaalaha qarsoodiga u ah. Wadaagista shay qarsoodi ah, xataa qof aad u malaynayso in aad aamini kartid sida qof aad isqabtaan ama carruurtaada. Qof kale ha siin xaashidaada lacagta lagu bixiyo ‘foojarka’ si ay u keenaan Foojarkaaga ha u isticmaalin in uu noqdo caddeyn shaqo Macaamiishaada ha kala hadlin qof kasta aan ka ahayn macmiilka, wakiilkooda (haddii ay mid leeyihiin), Kalkaalisda LTC ee Bulshada ama Maamulaha Dacwada. Waxaa suurta gal ah in macmiilkaagu kaa codsado in aad la hadasho qof kale sida dhakhtarkiisa ama farmashiyihiisa. Taasi waa la oggolyahay Haddii aad joogto xafiiska degaanka, fadlan hadalka hoos u dhig marka aad ka hadlayso macmiilkaaga. Khamri cabida iyada oo la shaqaynayo. Si isdaba joog ah uga soo daahida ama ka maqnaanshaha shaqo Xusuusnow, waa sharaf gaar ah in la noqdo HCW. Haddii aadan buuxin karin waxyaalaha lagaa filayo, waxaa suurta gal ah in aad lumiso lambarkaaga daryeel bixinta isla markaana awoodi weydo in aad noqoto daryeel bixiye. 12

13 Xiriirka Shaqo 13

14 HCW waxay leeyihiin xiriir shaqo oo gaar ah
Diiwaannada arjigaaga codsi iyo bixinta lacagta waxaa hawshiisa qabta isla markaana oggolaada xafiiska APD/AAA ee degaanka. Waxaad u shaqaysaa qofka helaya adeegyada (macmiilka). Ma tihid shaqaale gobol. Bixinta lacagtaada waxaa hawsheeda qabta isla markaana boosta kuugu soo dira Gobolka Oregon. Si aad lacag u hesho, waa in uu xafiiska degaanku haystaa cinwaankaaga cusub. Fariimaha Tababaraha Waxaad bixisaa macluumaad ku saabsan xafiiskaaga degaanka – haddii uu yahay APD, AAA, dowladda Hoose Waxaa suurta gal ah in cida loo shaqeeyaa arjigiisii codsi/arjigeeda codsi uu u hayo/hayso qofka shaqaalaha ah si uu ugu buuxiyo. Arjiyadani isku mid maaha iyada oo arjiga codsi ee daryeel bixiyaha uu uga baahan yahay gobolku. Marka laga tirsan yahay Barnaamijka Kala doorashada Madaxa bannaan waxaa si toos ah lacagta kuu siinaya macmiilka. 14 14

15 Wa ayo cida aad u shaqayso?
Cida aad u SHAQAYSAA waa macmiilka ku shaqaaleysiiya si aad u shaqayso. Waxaa laga yaaba in aad isku hal mar leedahay dhowr cid oo aad u shaqayso oo kala duwan. Cida aad u shaqaysaa MAAHA “macmiilkaaga.” Lahaanshaha macmiilka waxay ka dhigan tahay in aad wax tilmaanto. Lahaanshaha cid aad u shaqayso macnaheedu waa in uu isagu/ay iyadu tilmaamo ku siiyo/siiso. Dadka helaya barnaamijka adeegyada guriga-dhexdiisa laga bixiyo waxay ikhtiyaar u leeyihiin maareynta noloshooda iyo go’aan ka gaarida adeegyada ay helaan iyo cida iyaga siisa. Cida aad u shaqayso ayaa go’aan ka gaarta shaqaaleynta iyo shaqo ka cayrinta shaqaalaha daryeelka guriga. Fariimaha Tababaraha Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. Kala caddee in xafiiska gobolku ama degaanku aanu AHAYN cida loo shaqeeyo WEYDII: Sababta aan u isticmaalno erayga “cida loo shaqeeyo” halkii aan ka isticmaali lahayn “macmiil”? Wada hadalka: >“Cida loo shaqeeyo” waxay awoodsiiyaa in macmiilku in uu noqdo mas’uul . >Dadka leh “macaamiisha” waxay sida caadiga leeyihiin khibrad u gaar ah oo ay bixiyaan (tusaal, timo jaraha, farsamo yaqaanka, xisaabiyaha, beer ka shaqeeyaha ….). >Marka laga tirsan yahay barnaamijka adeegyada guriga-dhexdiisa laga bixiyo, macmiilku waa in uu ammarka siiyaa shaqaalaha marka ay noqoto qabashada hawlaha; sida kale maaha. >Marka qof loogu wacayo “cida aan u shaqeeyo” ama “qofka ii taliya” waxay ina siisaa yididiilo wanaagsan marka ay noqoto doorka HCW. Tusaale: ma u sheegi lahayd qofka kuu taliya oo qabta nooc kale ee shaqo in uu xirto funaanad? AMA ma ku oran lahayd, “Waxaan leeyahay hab aniga ii gaar ah oo aan shaqada u qabto’? Waa muhiim in aanu macmiilka/cida loo shaqeeyo u oggolaano in ay noloshooda mas’uul ka noqdaan. Shaqaalaha Daryeelka Gurigu MAAHA in uu go’aamiyo – waxa ay tahay in la cuno, waxa ay tahay in la xirto, sida ay tahay in loo qabto hawlaha guriga, iwm. Mararka qaarkood, macmiilka/cida loo shaqeeyaa waxay leeyihiin naafanimo dhanka garashada ah, waxaa jira wakiilo la qoondeeyay oo u gaara go’aanada daryeelka. Xaaladahan oo kale marka ay jiraan HCW wuxuu u shaqeeyaa labada qofba. FIIRO GAAR AH: Wakiilka uu leeyahay macmiilku waxaa suurta gal in aanu ahayn shaqaalaha daryeelka guriga ee adeegyada siinaya macmiilkaasi. Sida uu dhigayo OAR (8)(b) Guddiga Daryeelka Guriga waxay bixisaa barnaamij tababar oo tabaruc ah oo loogu talagalay macaamiisha si uu u barato waajibaadkiisa ama talooyin la xiriira shaqaaleynta ama maareynta shaqaalaha 15 15

16 Xiriirka aad la Leedahay Cida aad u Shaqayso
Cida aad u shaqaysaa ayaa qeexda waxyaalaha ay filayaan sida; Jadwaalkaaga shaqo, fasax ka qaadashada shaqo, iyo in aad shaqada ka soo daahi doonto; Liiskaaga Hawsha; Sida iyo marka uu jecel yahay/ay jeceshahay in hawsha la qabto; Xeerarka guriga; Haddii aad u baahan tahay tababar la xiriira sida loo qabto hawl gaar ah; Wixii walwal ama su’aalo ah ee la xiriira shaqada ee aad qabto; Saxiixida foojarkaaga KA DIB marka aad shaqayso saacadahaaga oo dhan; Waxa la samaynayo marka ay jirto xaalad degdeg ahi; Cida aad la hadli karto (tusaale, qoyska cida aad u shaqayso; dhakhtar; farmashiye, iwm). Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal.

17 Marka ay tahay in lala Xiriiro Maamulaha Dacwada
Isbedelada ku yimaada xaalada cida aad u shaqayso; Su’aalaha ku saabsan Liiska Hawsha; Walwalka la xiriira caafimaad qabka cida aad u shaqayso; Tabashooyinka shaqada ee aadan la xallin karin cida aad u shaqayso; Arrimaha badbaadada la xiriira; Shaqaynta saacado ka badan intii la oggolaaday iyadoo ay sabab u tahay xaalad degdeg ah oo dhacday; Arrimaha la xiriira wakhtiga safarka shaqo ama masaaafada la socdo; Isticmaalka wakhtiga la is fasaxo ee lacagta la qaadanayo; Marka aadan hada ka dib u shaqaynayn cida aad u shaqayso. Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. Shaqaalaha Daryeelka Gurigu sida caadiga waa qofka xiriirka ugu badan la leh macmiilka/cida loo shaqeeyo. Shayga1 aad: Shaqaaluhu waa in ay ka wada hadlaan wixii isbedel ah ee ku yimaada xaaladaha, awoodaha, iwm ee cida loo shaqeeyo isla markaana soo jeediyaan in isagu la hadlo/iyadu la hadasho maamulaha dacwada iyo/ama daryeel bixiyaha aasaasiga ah. Maamulayaasha dacwada waa in lala socodsiiyaa wixii ku saabsan isbitaalka la is dhigo. Waxaad qaybisaaTilmaamaha La Raacayo ee Wada Xariirka Ee Guddiga Daryeelka Guriga waxaanad kala hadashaa sida iyo marka HCW ay tahay in uu waco maamulaha dacwada. Shayga4 aad: Waa in aad had iyo jeer isku daydaa in aad dhibaatooyinka shaqada la xiriira marka hore la xalliso cida aad u shaqayso. Si kasta ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in ay jiraan wakhtiyo adiga iyo cida aad u shaqaysaa aad u baahan tihiin caawimaad dheeraad oo lagu xallinayo arrin jirta. Qaar ka mid ah tusaalooyinka arrimaha la xiriira shaqadu waa: Isbedelka joogtada ee jadwalka ku yimaada Si isdaba joog ah oo la iskaga codsado in la qabto waxyaalo aan ku qornayn liiska hawsha Dhibaatooyin la xiriira dejinta iyo ilaalinta xuduudaha xirfadeed Caqabado lagala kulmo dhamaystirka shaqooyinka ku qoran liiska hawsha Dhibaatooyin hab-dhaqanka la xiriira oo saameyn ku yeesha awooda aad u leedahay in aad shaqadaada qabsatid Macaamiisha oo doorta in aanay qaadan daawooyinka ama helin adeegyada ku qoran liiska hawsha Shayga5 aad: Fadlan maamulahaaga dacwada la socodsii haddii ay arrimo la xiriira badbaadada ka jiraan guriga macmiilkaaga ha ahaato iyada oo ay la xiriirto jawiga, wax ka dhacaya guriga, ama iyada oo lagaa codsaday in aad bixiso adeegyo aanan ahayn kuwo badbaado leh. Tusaalooyinka waxaa ka mid ah: Iyada oo macmiilkaagu kaa codsatay in aad gacanta ku qaado inkastoo ay u baahan tahay mishiinka dadka lagu qaato “hoyar lift” Xayawaanka arxanka daran oo aan meel lagu xirin Qori cabaysan ee meesha lagaga tegay Gardaro dhanka jirka oo uu kuu geysto macmiilku ama qof kale oo guriga jooga Rabshada qoyska Daroogo lagu dhex samaynayo guriga Alwaaxyada dhulka la dhigo oo qurmay

18 Sababaha lagula xiriirayo xafiiska degaanka
Isbedelada ku yimaada cinwaankaaga ama telefoon lambarkaaga; Si aad u bixiso nuqulka cusub ee kaarkaaga CPR-ka/Gargaarka Degdega ah; Su’aalaha ku saabsan lambarkaaga daryeel bixinta, shahaadooyinka aqoonsi, ama xaalada uu sugan baaritaankaaga taariikh dembiyeedku ‘background check’; Su’aalaha ku saabsan foojarkaaga ama bixinta lacagaha; Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal.

19 Xirfadnimo

20 Noqo qof xirfad leh adiga oo:
Ixtiraamaya doonista cida aad u shaqayso, waxa uu doorbidayaan, aaminsan yihiin, caadooyinkooda, iyo dhaqankooda. Aan iska malaynayn in aad garanayso waxa u fiican cida aad u shaqayso. Dejinta iyo ilaalinta xuduudaha xirfadeed. Aan aad ula wadaagayn waxyaalo ku saabsan noloshaada shakhsiyeed. Xirfad MAAHA haddii aad: La wareegayso ama si aad ah ugu lug yeelanayso nolosha shakhsiyeed ee cida aad u shaqayso. Go’aan u gaarayso cida aad u shaqayso. Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. Shayga1 aad: Xusuusi HCW in ay muhiim tahay in la ixtiraamo rabitaanka cida loo shaqeeyo. HCW maaha in uu MARNABA dadka uu u shaqeeyo ku khasbo waxay aaminsan yihiin ama hab nololeedkooda. Kala hadal siyaabaha laga yaabo in dadku u leeyihiin caadooyin, dhaqan kala duwan, iwm. Sida: Noocyada cuntada Fasaxyada diinta Nadaafada guriga Aaminsanaanta Ilaahay ama awood sare – iyo mararka qaarkood IN AAN la aaminsaanayn jiritaanka awood sare Fikirka la xiriira arrimaha siyaasadeed Shayga2 aad: Shaqaalaha Daryeelka Gurigu maaha in uu marnaba iskaga maleeyaan in ay garanayaan waxa u wanaagsan cida loo shaqeeyo. Cida loo shaqeeyaa waxay xaq u leeyihiin in ay gaaraan go’aano u gaar ah, xataa haddii ay yihiin kuwo aadan ku raacsanayn. Shayga3 aad: Ka war haynta xuduudahaaga xirfadeed iyo shakhsiyeed waxay muhiim u tahay adiga iyo cida aad u shaqayso. Waxay fiican tahay in kuwaasi la dejiyo bilowga xiriirkaaga shaqo. Xuduuduhu waa kuwo xaddidan marka ay noqoto waxa laguu oggolaan doono in aad samayso ama aadan samayn. Waxaa loogu talagalay fayo-qabkaaga iyo ilaalintaada waxayna kaa caawiyaan in aad go’aansato nooca xiriir, dhaqan, iyo isdhexgal ee ku haboon. Marka aanay jirin xuduud waxay ka dhigan tahay adiga oo ka tegaya albaabka gurigaaga oo furan, qof kasta, oo ay ka mid yihiin martida la soo dhaweynayo iyo kuwo aan la soo dhaweynayn ayaa iska soo geli kara si aan hakasho lahayn. Shayga4 aad: Waa wax fiican in aad macluumaad adiga kugu saabsan dadka la wadaagto adiga oo u adeegsanaya in lagu dhiso isfahamka iyo xiriirka wanaagsan ee shaqo. Waxaa laga yaabaa in adiga iyo cida aad u shaqaysaa aad waxyaaalo dhowr ah wadaagtaan. Laakiin, waxaad xaqiijisaa in aadan wax badan ama inta badan aadan dadka la wadaagayn. Naftaada weydii in ay ku haboon tahay in aad macmuulaad dadka la wadaagto. Adiga iyo cida aad u shaqaysaa ma tihiin midba midka kale saaxiibkii, la taliyihiisa, ama dad sir ka dhaxayso. Macluumaad dadka ha la wadaagin maxaa yeelay adiga oo baahan tahay in aad la hadasho ama si adiga lagaaga caawiyo in aad wax fiican dareento. Haddii uu jiro macluumaad aad doorbideyso in aad ka dhigto kuwo gaar ah, waa caadi in sidaasi la yiraahdo. Waa mid dabiiciga ah in la tixgeliyo dadka aad caawiso. Ogow, in ay adigana ku tixgeliyaan, sidoo kale. Wadaagista badan waxay noqon kartaa mid dhibaato leh, gaar ahaan haddii aad ka hadlayso dhibaatooyin laga yaabo in ay ku haystaan. Cida aad u shaqayso wey walwali doontaa marka aad la wadaagto dhibaatooyinkaaga. Shayga 5aad: Tani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay dejinta iyo ilaalinta xuduudaha xirfadeed. Waxaa lacagta laguu siiyaa waa si aad bixiso adeegyada la oggolaaday shaqaalaha daryeelka guriga ahaan, ee maaha in aad saaxiib qof la noqoto ama qof sir idinka dhaxayso. Xusuusnow doorka aad leedahay waa bixinta caawimaad la xiriirta waxa ku qoran liiskaaga hawsha ama sharaxaadda shaqada. Taasi keliya. Shayga6 aad: Doorka aad leedahay maaha in aad gaarto go’aan adiga oo ka wakiil ah cida aad u shaqayso, gaar ahaan waxyaalaha la xiriira adeegyada, caafimaadka, dhaqaalaha ama daryeelka caafimaad. Waxaad ammarka ka qaadataa cida aad u shaqayso, sida kale maaha. Iskasta oo cida aad u shaqaysaa laga yaabo in ay rabto in aad la joogto wakhtiga la samaynayo dib u qiimeyntiisa/teeda, hadana doorka aad leedahay maaha in aad go’aan ka gaarto waxa ku qoran qorshaha adeega ama macmuulaadka cida aad u shaqaysaa ay tahay ama aanay ahayn in ay la wadaagaan maamulaha dacwada ama wakiilka shakhsi. Marnaba ha u hadlin cida aad u shaqayso. Maaha in aad naftaada ka dhigto go’aan gaare marka cida aad u shaqaysaa isbitaalka joogo ama aad shaqaalaha isbitaaalka ku ammarto in ay kula soo xiriiraan si looga wada hadlo arrimaha caafimaadka la xiriira.

21 Noqo qof xirfad leh adiga oo:
Diidaya in aad jebiso sharciga ama dhan kale u leexiso xeerarka. Aan si gaar ah cid u doorbideyn, hadyad bixinaynin ama hadyad ama lacag ka qaadanayn cida aad u shaqayso. Aan wax ka deynsanayn cida aad u shaqayso ama amaah qaadanayn. Samaynaya waxa xaqa ah xataa marka aanay cidna ku arkayn. Xiriir ula samaynaya si xushmad leh oo ku haboon. Dadka kale ula dhaqmaya si aad rabto in laguula dhaqmo (Xeerka Dahabka ah). Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. Shayga1 aad: Shaqaalaha guriga ahaan, waa masuuliyad ku saaran in aad ogaato waxa ay yihiin sharciyada iyo siyaasadaha Gobolku. Waad lumin kartaa awooda aad u leedahay in aad u shaqayso shaqaalaha daryeelka guriga haddii sharciga la jebiyo. Waxaa laga yaabaa in lagaa codsado in aad wax u qabato dadka kale ee ku nool guriga cida aad u shaqayso “ waxaad samaynaysaa dhar dhaqid.” Adeegyada la siinayo dadka kale ee guriga jooga ee aan laguu oggolaan in aad u shaqayso waxay ka soo horjeedaa sharciga. Waxay ka soo horjeedaa sharciga in lacag laga qaato cida loo shaqeeyo ama xubnaha ka tirsan qoyskooda taasi oo dheer lacagta lagu siinayo daryeel bixiyaha Medicaid ahaan. Tusaale ahaan, gabar ayaa laga yaabaa in doonayso in ay ku siiso waxoogaa lacag ah oo dheeraad ah saacadii oo ka badan inta aad u qaadato daryeel bixiyaha Medicaid ahaan. Waxaa laga yaabaa in gabartu kaa codsato in aad saacado dheeraadka u shaqayso hooyada iyada oo laguu sheego in si hoose lacagta laguu siin doonto. Tani xaqiiqdii waa mid ka soo horjeeda sharciga. Haddii shaki kaaga jiro, weydii maamulahaaga dacwada ee cida aad u shaqayso . Shayga 2aad: Ma waxaad cidan loo shaqeeyo ula dhaqmaysaa si ka duwan dadka kale ee loo shaqeeyo? Qayb ka mid ah in damiir la lahaado waa in si isku mid ah xushmad iyo ixtiraam loogu muujiyo dhammaan cida aad u shaqayso, maaha kaliya “ kuwa aad doorbideyso”. Lacag ama hadyad ha ka qaadan cida loo shaqeeyo. Waxyaalaha haddii aan la isticmaalin hore ka xumaada ‘perishable’, sida cuntada ama ubaxa, guud ahaan ma aha kuwo dhibaato leh ilaa iyo inta ay qiime yar ka leeyihiin isla markaana aan loo arkin in yihiin bixin lacageed oo shaqada la isku siiyay. Laakiin shaykasta waxaa loo arki karaa in uu yahay hadyad waxayna keeni kartaa in baaritaan la sameeyo. Shayga3 aad: Ka soo deynsashada cida aad u shaqayso ama qaadashada iyaga oo amaah laga qaadanayo, waxay ka soo horjeedaa sharciga, waxaa loo arkaa in ay tahay wax isdaba marin lacageed, waxaana lagaa joojin karaa shaqada shaqaale ahaan. Xataa haddii aad tahay xubin ka tirsan qoyska cidda aad u shaqayso ama saaxiib u dhow, tani waxay keeni kartaa dhibaatooyin. Ha la wareegin arrimaha dhaqaale ee macmiilkaaga. Waad caawin kartaa marka ay codsadaan laakiin ma dhaqaajin kartid lacag ama iyaga uma samayn kartid go’aanada dhaqaale. Shayga4 aad: Noqo qof damiir iyo daacadnimo leh. Tani waxay ka dhigan tahay in la doorto samaynta waxa saxda ah. Shayga5 aad: Ma aha in kaliya tani ay ku jirto cida aad u shaqayso, ee laakiin waxaa sidoo kale ka mid ah xafiiska degaanka. Waa in aad noqotaa qof xirfad leh marka aad joogto xafiiska degaanka iyo marka aad ku hadlayso telefoonka. Shayga6 aad: Xeerka Dahabka ah wuxuu aqoonsan yahay in qof kastaa qofka kale ka duwan yahay iyada oo sida aad rabto in laguula dhaqmo laga yaabo in ayna la mid ahayn waxa qof kale rabo. Tani waxay ka dhigan tahay in aad isbarataan qofka iyo waxa macnaha u leh. Dadku waxay leeyihiin diimo, dhaqano, qiime, waxyaalo ay doorbidaan, shakhsiyad, iyo habab loola xiriiro oo kala duwan.

22 Noqo qof xirfad leh adiga oo:
Si wanaagsan u dhaqmaya. Si qof weyn u dhaqmaya. Muujinaya “wanaag badan marka aad cadaadis ku jirto.” Shaqada imaanaya. U ekeenaya qof xirfad leh Xiro dhar nadiif ah, oo shaqada ku haboon Lahow nadaafad fiican iyo dabeecad is nadiifin Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. Shayga 1aad: Xooga saar waxa wanaagsan. Xooga saar awoodaha cida aad u shaqayso ama waxa uu qaban karo/ay qaban karto. Ka ag dhawaanshaha qof xun waxay keentaa madhnaan. Shayga 2aad: Tani waxay ka dhigan tahay qaadashada mas’uuliyada ficiladaada, hadalkaaga, iyo hab-dhaqankaaga. Sidoo kale waa ahaanshaha qof lala xisaabtamo, la isku halayn karo, isla markaana aan is bedbedelin. Dadka kale adiga ayay isku halaynayaan. Ahaanshaha qof weyn waa aragti la aqbali karo in la aqoonsadaana waa qayb ka mid ah shaqada, ma aha mid shakhsi. Wey fiican tahay in qalbiga laga ahaado carruur, laakiin ha u dhaqmin sida carruurta. Shayga 3aad: Tani waxay ka dhigan tahay in aad isqaboojiso isla markaana isdejiso marka cadaadis ku heysto oo aadan cida aad u shaqayso hortooda is dhex yaacin. Si fiican hadalka u dhig, neefso, waxaanad qaadataa biririf degdeg ah haddii aad u baahan tahay mid. Shayga 4aad: Ma aha oo kaliya in aad jimsi ahaan shaqada isku soo xaadiriso wakhtigii loogu talagalay isla markaana diyaar u tahay in aad shaqayso, ee waa in aad niyad ahaana u timaado. Ka fikir waxa markaasi jira waxaanad cida aad u shaqayso iyo shaqada aad qabato siisaa feejignaan buuxda. Waxa jira wax la yiraahdo “maqane jooga.” Tani waa marka aad jismi ahaan u timaado shaqada, ee laakiin qalbigaaga iyo niyadaadu aanay joogin shaqada aad qabanayso. Waxaad meesha joogtaa adiga oo aanu runtii qalbigaagu meesha joogin, taasi oo aan badbaado u ahayn adiga ama cida aad u shaqayso, gaar ahaan haddii aad ka caawiso wareejinta, daawooyinka, kaxaynta gaariga, ama kor kala socoshada. Haddii aad aqbasho wareysi shaqo, waa in aad timaadaa. Haddii aad awoodi weydo in aad timaado sababaha qaarkood, wac macmiilka isla markiibana la socodsii. In aan wareysiga la imaan waa tusaale muhiim ah oo loo soo qaadan karo xirfad la’aan jirta. Ma rabtid in aad lahaato sumcad aan lagu kalsoonaan karin. Dib u celi fariimaha telefoonka ay kuugu soo diraan macaamiisha danaynaysa inay ku wareystaan, xataa haddii aad diidayso. Si wanaagsan ula dhaqan telefoonka, aad la yeelanayso macaamiisha iyo shaqaalaha DHS. Haddii aad wacayso xafiiska degaanka, si asluub leh ula hadal isla markaana si cad u tilmaan qofka aad tahay, lambarkaaga daryeel bixinta, iyo sababta aad u soo wacayso. Cinwaankaaga ka iyo fariinta aad telefoonka ku dhaafaysaa waxay samayn kartaa farqi marka la eego in la helo shaqo ama aan la helin. Haddii aad u isticmaalayso in ay noqdaan qeyb ka mid ah xirfadaada, xaqiiji in ay yihiin kuwo sax ah oo xirfad ahaan ku haboon. Shayga 5aad: Xusuusnow, xataa haddii aad ka shaqaynayso goob aan rasmi ahayn sida guri qof leeyahay, waa muhiim in loo ekaado qof xirfad leh. Tani waxay ku tusaysaa in aad shaqadaada dhab u qaadanayso isla markaana ku faraxsan tahay waxa aad qabato. Wax kaloo muhiim ah, waa in la yeesho nadaafada shakshi oo wanaagsan iyo caadooyin la isku nadiifinayo, gaar ahaan maadaama aad jismi ahaan si dhow ula shaqayn doonto cida aad u shaqayso.

23 Qorshaha Adeega iyo Liiska Hawsha
Marka uu ku shaqaaleysiiyo macmiil, waxaad Liiska Hawsha ka heli doontaa maamulaha dacwada. Wuxuu muujinayaa: Inta saacadood ee laguu shaqaaleeyay in aad shaqayso bil kasta. Nooca taageero ee aad bixin doonto. Wixii kale ee macmuulaad gaar ah ee loo baahan yahay si loo qabto shaqada. Fariimaha Tababaraha: Waxaad Liiska Hawsha ka heli doontaa maamulaha dacwada ka hor inta aan la bilaabin shaqada. Waa sida sharaxaadda shaqada oo kale. Haddii aadan helin mid, isla markiiba la xiriir maamulaha dacwada. Waxa ku qoran Liiska Hawshu wuxuu ku salaysan yahay qiimeyn iyo go’aan ay gaareen maamulaha dacwada iyo macmiilku. Haddii aadan fahmin wax ku qoran Liiska Hawsha, xaqiiji in aad weydiiso. Waa muhiim in la ogaado waxa lacagta laguu siiyo in aad qabato iyo waxa la iska filayaa waxa ay yihiin. Sida iyo marka la qabto hawsha waxaa go’aan ka gaara cida aad u shaqayso. Waxaa kaliya lagu siin karaa lacagta hawlaha la isku oggolaaday in la qabto. Waxaad kaliya adeegyada siin kartaa macmiilka u qalmo ee lagu aqoonsado Qorshaha Adeega iyo Liiska Hawsha. Haddii aad hayso su’aalo ku saabsan haddii ay tahay in aad bixiso adeegyo la xiriir maamulaha dacwada. Weydii su’aalo cida loo shaqeeyo kuwaasi oo ku saabsan hawlaha ay tahay in la qabto isla markaana ha kuu kala caddeeyo waxyaalaha la iska filayo. HCW maaha in uu qabto shaqo aanan ku qornayn Liiska Hawsha sababtoo ah: Gobolku ma bixin karo lacagta aanan ku jirin liiska HCW caymiskooda laguma daboolayo sida uu dhigayo caymiska Magdhawga Shaqaaluhu haddii la dhaawacmo iyada oo la qabanayo hawl aanan ku qornayn liiska. Dhaqaalaha loogu talagalay daryeelka guriga looma isticmaali karo in lagu bixiyo adeegyada loogu talagalay qof kasta marka laga reebo qofka loogu talagalay in uu helo ama adeegyada aan caymiskooda lagu daboolin sida ay dhigayaan barnaamijyada guriga-dhexdiisa laga bixiyo ee gobolka Cida aad u shaqayso ayaa go’aan ka gaarta sida iyo marka hawsha la qabanayo. Liiska Hawshu KUUMA oggolaanayo in aad taageero ku bixiso marka la joogo isbitaalka. 23

24 Adeegyada Aan La Oggoleyn
Kama caawin kartid waxyaalaha qaarkood sababta oo ah Medicaid kuma siin doonto lacag si aad taasi u samayso. Tani waxaa ka mid ah, balse aanay ku koobnayn ku koobnayn: Bannaanka guriga oo aad ka shaqayso Xayawaanka la korsado oo aad daryeesho Rarida ama dib u dejinta macmiilka/cida loo shaqeeyo Daryeelka carruurta uu dhalay ama owoowga/ayeeyda u yahay cida loo shaqeeyo Adeegyada ay ka faa’iideystaan dhammaan dadka guriga ku nool (tusaale, samaynta cuntada qoyska, dhaqidda dharka ee qof kasta, iwm.) Fariimaha Tababaraha: Tusaalooyinka dheeraadka ah ee adeegyada aan la oggolaan: Dayactirka guriga ama dayactirka, sida saqafka, roogaga, rinjiyeynta Wax beerida, qaadida iyo istimaalka qalabka deyrka Daryeelka noocyada xayawaan ee beerta Wax tolidda iyo harqaanka dharka Dacaytirka iyo nadiifinta gaariga U soo gadida daroogo iyo mukhaadaraadka lagu madadaasho oo sharci daro ah adiga u soo gadaya cida aad u shaqayso Ka caawinta dhaqaalaha Qabashada hawlaha shakhsiyeed oo aan ka ahayn soo adeegashada iyo soo qaadida daawooyinka. Tixraac bogga xiga: Kala hadal waxa ay tahay in shaqaaluhu sameeyeen marka laga codsado in ay qabtaan hawl aan loo oggolaan. (Waa CAADI la yiraahdo maya). Xusuusi iyaga in haddii ay doonayaan in ay qabtaan hawl aan loo oggolaan ay tahay mid ikhtiyaari ah isla markaana caymiskiisa ayna dabooli doonin magdhawga shaqaalaha 24 24

25 Waxa aad Oran Karto….. Haddii cida ay u shaqaysaa kaa codsato in aad ka caawiso waxa aanan ku qornayn Liiskaaga Hawsha: “Waxaa lacagta i siiya gobolka si aan u qabto hawlaha qaarkood waxaanan lumin karaa lambarkayga daryeel bixinta haddii aanan samayn ama sameeyo wax aanan ku qornayn Liiskayga Hawsha. Malaha waxaa fiicnaan lahayd in aan tani kala hadalno maamulaha dacwadaada.” “Waxaan walwal ka qabaa in uu dhaawac iga soo gaaro qabashada hawshani iyada oo qorshahayga Magdhawga Shaqaaluhu daboolaynin caymiskiisa haddii aanu ku qornayn Liiskayga Hawsha.” “Ma hubo in taasi tahay wax aan qaban karo sida ay dhigayaan xeerarka gobolku. Ii oggolow in aad la hadlo Maamulahaaga Dacwada ka hor inta aanan oran haa.” Fariimaha Tababaraha: Akhri tusaalooyinka waxaanad weydiisaa in ay jirto cid kale oo haysa wax tusaalooyin ah oo kale. 25 25

26 Fariimaha Tababaraha:
Waxaad qaybisaa liiska hawsha oo muunad ah waxaanad dib u eegtaa qayb kasta. 26 26

27 27 27

28 Bixinta Lacagta Adeegyada
28

29 Fariin Muhiim ah: Ka hor inta aadan bilaabin la shaqaynta macmiilka
Xaqiiji in shahaadadaada aqoonsiga (tusaale, baaritaanka taariikh dambiyeedka) iyo lambarka daryeel bixiyuhu # ay yihiin kuwa shaqaynaya oo sax ah IYO In laguu oggolyahay in aad shaqayso AMA Waxaa laga yaabaa in aadan lacag helin! HA SHAQAYN ADIGA OO HAYSTA LAMBARKA DARYEEL BIXINTA IYO FOOJARKA MAAHANE. Oggolaanshaha in la shaqeeyo waa foojarka. Ha shaqayn adiga oo haysta foojarka maahane. Haddii aad bilowdo shaqada ka hor inta aadan helin foojarka, lacag LAGUMA siin doono. Haddii aad filayso in aad hesho foojarka oo aadan helin mid, la xiriir xafiiska degaanka ka hor inta aadan bilaabin shaqada.

30 Diiwaanka – Macluumaadka Shahaadada Aqoonsi
Fariimaha Tababaraha Shaqaalaha la socodsii in ay xagga hoose ee Bogga Macluumaadka Shakhsi ee ku qoran Diiwaanka ay ka arki karaan taariikhda shahaadadooda aqoonsi. Tani waa taariikhda wakhtiga dib u soo baarida taariikh dembiyeedkoodu ku aadan tahay. Haddii aanay taasi samayn, wey joojin doonaan in lacag la siiyo. Waa mas’uuliyad shaqaalaha saaran in uu garanayo taariikhdiisa isla markaana xaqiijiyo in uu daryeelo dib u soo baarida taariikh dembiyeedka si looga hortago in la lumiyo lacag.

31 Macluumaadka Bixinta Lacagta
Toddobaadka shaqo = 12:00 habeenimo Axada ilaa 11:59 habeenimo ee Sabtida Fariimaha tababaraha: Guud mar ku saabsan foojarka la samee ka qayb galayasha. Bogga labaad ee foojarka waxaa ku qoran macluumaadka qorshaha oggolaanshaha adeega. Haddii mid ka mid ah macluumaadkani aanu sax ahayn, isla markiiba la xiriir shaqaalaha! Mar kasta oo aad hesho foojar waa in aad xaqiijisaa in macluumaadka soo socda ee ku yaala goobahani ay sax yihiin: Magaca helaha iyo tirada Macagaada iyo lambarkaaga daryeel bixinta # Macluumaadka shaqaalaha dacwada Wakhtiga adeega la oggolaaday Saacada la oggolaaday Wixii masaaafad ah ee la socday ee la oggolaaday WAXBA HA KA BEDELIN QAYBTA OGGOLAANSHAHA EE FOOJARKA. KOOBI HA KA SAMAYN FOOJARKA ISLA MARKAANA WIXII ISBEDEL AH EE LOO BAAHDO KU SAMEE SABAB KASTA HA AHAATEE. TANI WAXAA KA MID AH SHAQAYNTA WAKHTI KA BAXSAN WAKHTIGA OGGOLAANSHAHA ADEEG EE KU QORAN FOOJARKA. TIXRAAC: Xaashida Lagula Socda Wakhtiga HCW Waa wax lagula socdo saacadaha oo keyd ahaan loo haysto. Ma aha foojar. DIB U EEGID: HCW waa in uu haystaa foojar ka hor inta aanu bilaabin shaqada uu hayo macmiilka Wakhtiyada la shaqeeyo oo dhan waa in lagu qoraa foojarka korkiisa, oo ay ka mid yihiin taariikhda, bilowga iyo dhammaadka wakhtiga shaqo. Waxaad hubisaa qaybta oggolaanshaha ee ku qoran foojarka korkiisa si aad u xaqiijiso in uu yahay wakhtiga saxda ah, macmiilka saxda ah, iyo tirada saxda ah ee saacadaha la shaqeeyay. Wac Maamulaha Dacwada ee macmiilka haddii aad hayso wax su’aalo ah Si lacagta laguu siiyo, foojarkaagu waa in uu noqdaa mid la akhriyi karo isla markaana waa in ay saxiixaan HCW iyo macmiilku ama wakiil la oggol yahay oo uu leeyahay macmiilku HCW waxaa laga yaabaa in aan la siin lacagta saacadaha aan hore loo sii oggolaan Haddii xaalad degdeg ahi dhacdo saacadahaaga shaqada ka dib isla markaana ay noqoto in aad shaqayso saacado ka badan intii la oggolaaday in aad u shaqayso macmiiilkaaga, waxaa laga yaabaa in lacagta la siiyo HCW haddii uu Maamulaha Dacwada ee macmiilka kula xiriiro muddo laba maalmo shaqo gudahood ah isla markaana u sharxo sababta uu shaqeeyay wax ka badan saacadaha la oggolaaday HCW waxaa la siin karaa lacagta masaafada la soconayo ee hore loogu sii oggolaaday marka ay noqoto in uu gaari kaxaysto si u guto waajibaad shaqo oo ka socda liiska hawsha ee macmiilka HCW maaha in uu marnaba saxiixo foojar meesha bannaan ee loogu talagalay “cida loo shaqeeyo/Saxiixa Wakiilka” HCW maaha in uu marnaba macmiilka ka codsado in uu saxiixo foojar aan dhamaystirnayn HCW waa in uu keyd ahaan u haystaa diiwaanka taariikhihiisa, wakhtiyada bilowga iyo dhammaadka shaqo 31 31

32 Macluumaadka Bixinta Lacagta
Fariimaha Tababarka: Saxiixada aad saxiixayso foomkan, waxaad leedahay in aad shaqaysay maalmaha iyo wakhtiyada aad diiwanka gelisay oo dhan. Haddii aadan run ahaantii shaqayn maalmaha iyo wakhtiga aad keentay oo dhan, tani waxaa loo arkayaa in ay tahay musuqmaasuqa Medicaid waana dembi. Qaybta hoose ee foojarku waxay leedahay meel bannaan oo la saxiixo oo loogu talagalay adiga iyo macmiilkaaga/cida aad u shaqayso. Meelahan waa in ay saxiixaan adiga iyo cida aad u shaqayso labadooduba KA DIB marka la bixiyo dhammaan adeegyada loogu talagay wakhtiga la oggolaaday Bogga afaraad (bogga dambe) wuxuu leeyahay qayb loogu talagalay Fariimaha ku socda Shaqaalaha Dacwada. Tani waa fursad qaarka mid ah fariimaha daryeelka si joogta ah loo siinayo shaqaalaha dacwada Qaytani maaha in loo isticmaalo soo sheegista ama codsiga saacado dheeraad ah ama fasax. FADLAN HA U ISTICMAALIN TANI IN AAD MAAMULAHA DACWADA UGU SHEEGTO WALWALKA LA XIRIIRA CAAFIMAADKA AMA BADBAADADA MACMIILKA. Fadlan wac MAAMULAHA DACWADA si aad ugala hadasho waxyaalo ku saabsan arrimahani. Maaha in aad MARNABA u saxiixin Shaqo bixiye ahaan 32 32

33 Macluumaadka Bixinta Lacagta
Isticmaal talaabooyinka soo socda si aad u xaqiijiso in aad jeegaaga saxda ah ku hesho wakhtigii loogu talagalay: Marka cida aad u shaqaynaysaa ay ku shaqaaleysiiso isla markaana la socodsiiso maamulaha dacwada, waxaad heli doontaa foojarka lacagta lagu bixiyo. Ogow inta saacadood ee aad leedahay muddada lacag bixinta isla markaana jadwalkaaga shaqadu ha noqdo mid la mid ah saacadaha la oggolaaday in la shaqeeyo. Xaqiiji in la buuxiyay dhammaan meelaha bannaan ee ay tahay in ay buuxaan (taariikhda; subaxda; galabta; wakhtiga la galayo/laga baxayo. Si la akhriyi karo u qor (haddii la akhriyi kari waayo, waa lagugu soo celin doonaa si aad hagaajiso taasi oo dib u dhigi karta lacagtaada). WAX ISDEDEL AH HA KU SAMAYN MEELAHA HORE U SII DAABACAN Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. Haddi aad leedahay wax ka badan hal cid oo aad u shaqayso, waxaad heli doontaa foojarka lacagta lagu bixiyo oo loogu talagalay cid kasta oo aad shaqayso. *Marka aad hesho foojarkaaga dib u eeg macluumaadka ku qoran isla markaana hubi in dhammaan ay sax yihiin. Nuqul ka samee foojarkaaga dhammeystiran si aad faylka u gashato. Ha keenin foojarka ka hor dhammaadka muddada lacag bixinta. Haddii aadan jeega ku helin 10 maalmood gudahood laga bilaabo taariikhda aad foojarka dhamaystiran u gudbiso xafiiska degaanka, fadlan wac xafiiska degaanka. 33 33

34 Macluumaadka Bixinta Lacagta
Hubi in maalmaha iyo wakhtiyada la shaqeeyay ay yihiin kuwo sax ah. Ka dib marka aad dhameysato saacadaha adeega ee muddada lacag bixinta, cida aad u shaqaysaa ha saxiixdo. Cida loo shaqeeyo ha weydiin in ay saxiixdo foojar maran ama aan dhamaystirnayn. Ka dibna saxiix isla markaana u dir ama ku dhaaf xafiiska APD/AAA ee degaanka. Xaqiiji in aad bixiso cinwaanka boostada oo cusub oo ah kii u dambeeyay. Wixii qaladaad ah ee ku yimaada foojarka waxaa suurta gal ah in uu keeno dib u dhac ku yimaada lacagta la isa siinayo. Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. 34 34

35 Macluumaadka Bixinta Lacagta
10. HCW looma oggola in ay bixiyaan adeegyada koox ahaaneed (sheegashada saacadaha hawlo isku mid ah isku hal mar loo qabanayo macaamiil badan). Tusaalooyin: u qaadida dhammaan dharka macaamiishaada loo qaadayo guriga si waqti isku mid ah loogu soo dhaqo; ka soo adeegashada dukaanka ee dhammaan cuntada macaamiishaada inta lagu jiro safar wax la soo gadanayo oo isku mid ah. Hawlaha loogu talagalay macmiilka-cida loo shaqeeyo oo dhami way kala duwan yihiin waana in si kala gooni ah loo qabtaa. 11. Haddii aad tahay HCW iyo PSW – ma sheegan kartid saacadaha ku qoran foojarkaaga ee aad u shaqeysay PSW ahaan iyo sida kale haddii loo dhigo ‘vice versa’. Tusaale: HCW ahaan, waxaad foojarkaaga ku qortay in aad shaqaysay Isniin laga bilaabo 8:30 subaxnimo -10:30 subaxnimo ka dibna aad taariikh iyo waqti isku mid ah geliso eXPRS adiga oo ah PSW. Tani waa musuqmaasuqa Medicaid.

36 Macluumaadka Bixinta Lacagta
Haddii xaalad degdeg ahi timaado ama aad ku dambayso in aad bedel u noqoto shaqaale kale, waa in aad Maamulaha Dacwada kula socodsiisaa muddo laba maalmo shaqo gudahood ah ama lacag heli maysid. Waxaa kaliya lagu siin karaa lacagta saacadaha hore loo oggolaaday Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. 36 36

37 Qaladaadka Caadiga Ee Foojarka
Sheegashada saacado ka badan intii laguu oggolaaday in lacagteeda lagu siiyo; Macluumaad aan dhammeystirneyn; Iyada oo aan la haysan foojarka lacagta lagu bixiyo oo adiga iyo cida aad u shaqaysaa aanay saxiixin.; Qalin qoriga oo loo isticmaalo buuxinta ama saxiixida foojarka lacagta lagu bixiyo (qalin khad leh ayaa loo baahan yahay); Fariimaha Tababaraha: 3 bog oo qalalaadka ka hadlaya: bogga 1 ee boggaga ka kooban 3 Shayga1 aad: Sababta ugu badan 37 37

38 Qaladaadka Caadiga Ee Foojarka
Qarinta qaladaadka yimaada foojarka iyada oo la isticmaalayo dareeraha wax la kor mariyo” correction fluid” — halkii taasi laga samayn lahaa, xariiq dheer kor saar wixii qalad ah ee yimaada foojarka isla markaana cida aad u shaqaysaa xarafka uu magacoodu ka bilaabmo ‘initial’ ha ku qoraan meelaha sixitaanka lagu sameeyay oo dhan; Wakhtiga oo si qalad ah loo geliyo. Qor wakhtiga dhabta ah ee aad bilowdo ama joojiso shaqada. Ha ku qorin kaliya wakhtiga caadiga ah; Boosta ku dirida ama gudbinta foojarkaaga lacagta lagu bixiyo ka hor maalinta u dambeysa ee aad shaqayso ee muddada lacag bixinta — foojarka lacagta lagu bixiyo waa in boosta lagu diraa ka dib marka la dhameysto saacadaha adeega ee loogu talagalay muddada lacag bixinta; Fariimaha Tababaraha: bogga 2 ee boggaga ka kooban 3 38 38

39 Qaladaadka Caadiga Ee Foojarka
Tirada ama qoraalka oo aan la akhriyi karin — xaqiiji in aad si cad u qorto; Sheegashada masaaafad dheeraad ah oo la socdo oo ka badan intii laguu oggolaaday; Foojarka lacagta lagu bixiyo oo wakhti dambe boosta lagu diro. Fariimaha Tababaraha: bogga 3 ee boggaga ka kooban 3 39 39

40 Fariimo Muhiim ah Saacadaha dheeraadka ah ee la shaqeeyo: HADDII aad si asdaba joog ah u shaqayso wax ka badan 40 saacadood toddobaadkii iyada oo aan la oggolaanin in sidaas la sameeyo, diiwaan gelintaada daryeel bixinta waa la joojin karaa. Shaqeynta Saacadaha Dheeraadka ah: HADDII aad shaqayso saacado ka badan intii la oggolaaday iyadoo ay sabab u tahay xaalad degdeg ah oo soo deristay, waa IN AAD maamulaha dacwada ee macmiilka kula xiriirta muddo 2 maalmo shaqo gudahood ah. HADDII aad si isdaba joog ah u keento xaashiyaha lacagta lagu bixiyo oo ay ku qoran yihiin saacado ka badan intii la oggolaaday, diiiwaan gelintaada daryeel bixinta waa la joojin karaa. Fariimaha Tababaraha: Xaalad degdeg ahi waxay noqon kartaa macmiilkaaga oo jirada ama HCW jadwalkiisu ahaa in uu ku bedelo oo soo waca ama aan shaqada imaan. Haddii ay tani dhacdo mar uu xafiiska degaanku xiran yahay, fariin u dhaaf. Waa in aad oggolaansho maamulaha dacwada kaga heshaa muddo laba maalmo shaqo gudahood ah si aad u sheegato saacadaha dheeraadka ee ku qoran foojarkaaga. 40 40

41 La Soco Jadwalka Mushaharka:
Foojarada Laga bilaabo 10/1/17-ka, foojarada waxaa la soo saaraa muddada lacag bixinta oo ah afar iyo toban (14) maalmood. Wuxuu bilaabmaa Axada isaga uu ku eg maalinta 14 waqti aad ka dambeynin Sabtida. La Soco Jadwalka Mushaharka: Wakhtiyada loo qabtay gudbinta foojarka - haddii aad seegto, foojarkaaga lacagtiisa lagu siin maayo ilaa laga gaarayo Maalinta Lacagta La Bixinayo ee taasi Xigta Taariikhaha qabashada hawsha bixinta lacagta Fariimaha Tababaraha Carabka ku adkee haddii ay seegaan wakhtiga loo qabtay gudbinta foojarka, markaa foojarkooda lacagtiisa la siin maayo ilaa laga gaarayo Maalinta Lacagta La Bixinayo ee taasi Xigta. Taariikhda Qabashada Hawsha Bixinta Lacagta – Waxaa laga yaabaa in jeegaga lagu helo 1-3 maalmo shaqo taariikhda jeega la soo saaro ka dib, iyada oo ku xiran adeega boosta. Haddii aad leedahay lacag dhigashada toos ah: Lacag tooska loo dhigtay waxaa lagu heli doonaa 3 maalmo shaqo ka dib taariikhda hawsha bixinta lacagta. Ka hubi hay’daada maaliyadeed si aad ogaato marka lacag dhigashadaada tooska ah la heli doono. 41 41

42 Wakhtiyada Loo Qabtay Bixinta Lacagta
Waa in aad foojarkaaga xafiiska degaanka ugu keento muddo aan ka dambeyn xiritaanka ganacsi ee Arbacada ka dib dhammaadka habka bixinta lacagta ee labada toddobaad ah (xusuusnow, waxay ku dhammaaneysaa Axad). Waxaa tani loo yaqaan wakhtiga loo qabtay gudbinta foojarka HCW. Taariikhda qabashada hawsha bixinta lacagta waa sideed (8) maalmo ganacsi ka dib wakhtiga loo qabtay gudbinta foojarka HCW. Haddii ay tani dhacdo maalin fasaxa ama xiritaanka xafiiska oo lagu heshiisay, taariikhdan waxaa loo wareejin doonaa maalinta ganacsiga ee xigta. Fariimaha Tababaraha: Xasuusi HCW in ay tixraacaan jadwalka mushaharkooda. Waxay muujineysaa taariikhda uu foojarku ku aadan iyo marka ay yihiin taariikhaha qabashada hawsha bixinta lacagtu. HCW waxay xaashida shaqada gudbin karaan ka hor dhammaadka muddada lacag bixinta ilaa iyo inta ay aad ka dhammeysanaysaan waqtiga shaqada ee loogu talagalay macmiilka. Shayga1: Haddii xafiiska APD/AAA ee degaanku uu si la filayo u xiran yahay, waxaa lagu siin doonaa wakhti dheeraad ah oo aad ku keento foojarkaaga. Tusaale ahaan, haddii xafiiska la xiray hal maalin ganacsi, waxaa lagu siin doonaa maalin kale oo ganacsi ka dib wakhtiga la qabtay ee rasmiga ahayd. 42 42

43 Wakhtiyada Loo Qabtay Bixinta Lacagta
Jeegag warqado ah ayaa la soo saari doonaa isla markaana boosta lagu diri doonaa muddo aan ka dambeyn sideed (8) maalmo shaqo ka dib wakhtiga loo qabtay gudbinta foojarka HCW. Lacag dhigashada toos ah ‘direct deposits’ ayaa loo diri doonaa hay’ada maaliyadeed ee HCW iyada oo loo diri doono taariikhaha qabashada hawsha bixinta lacagta. Haddii taariikhaha qabashada hawsha bixinta lacagta loo baahan yahay in la kordhiyo iyada oo sababtu tahay xiritaanka xafiiska oo aan la filayn, waxaanu kugula soo socodsiin doonaa anana oo macluumaadka soo gelinayna bogga Facebook ee OHCC. Fariimaha Tababaraha: Xasuusi HCW in ay tixraacaan jadwalka mushaharkooda. Waxay muujineysaa taariikhda uu foojarku ku aadan iyo marka ay yihiin taariikhaha qabashada hawsha bixinta lacagtu. Xasuusi in HCW ay xafiiska APD/AAA ee degaanka isla markiiba u soo sheegaan haddii isaga ama iyadu bedelaan cinwaanka. Waxay u baahan yihiin in ay sidoo kale hubiyaan in koontada bangiga ee ay u isticmaalayaan lacag dhigashada tooska ah aan la xirin. Waxay u baahan doonaan in ay buuxiyaan foomka lacag dhigashada tooska ah si ay u bedelaan macluumaadka koontada. 43 43

44 Haddii ay dhibaato kaa haysato sida aad u soo sheegayso saacadaha ku qoran foojarkaaga.
Xafiiska degaanka ayaa kuu sheegi doona 24 saac gudahood in aad u baahan tahay in aad hagaajiso – Xaqiiji in macluumaad lagaala soo xiriirayo uu yahay mid cusub. Waxaa lagu siin doonaa fursad aad ku saxdo foojarka ka hor intaan la bilaabin hawsha bixinta lacagta. Qaad tallaabo isla marka aad war ka maqasho xafiiska deegaanka. Haddii kale, lacagtaadu waxa yaabaa in ay soo daahdo. Fariimaha Tababaraha 44 44

45 Marka aad lacagta hesho:
Waxaad heli doontaa warqada Tilmaanta Lacageed. Lacagta dhigo meel aad si fudud uga heli karto. Si taxadar leh u hubi warqada tilmaanta lacageed si aad u xaqiijiso in ay sax tahay. Had iyo jeer akhri wixii fariimo ah ee ku qoran warqada lacagta hoosteeda. Waxaa ku jira macluumaad muhiim ah. Fariimaha Tababaraha Waxaa laga yaabaa in aad u baahato warqadaada tilmaanta lacageed haddii aad dalbato amaah ama sabab kale. Waxaad dhigataa RA aad leedahay meel aad si fudud uga heli karto. Waxay qaadan doontaa wakhti dheeraad ah haddii ay noqoto in aad la xiriirto xafiiska degaanka si aad u hesho nuqul. Marka aad isticmaasho RA, xaqiiji in aad tirtirto magaca cida aad u shaqayso sababtoo ah kani waa macmuulaad qarsoodi ah. 45 45

46 Arrimaha bixinta lacagta oo dheeraad ah
Masaaafada la socdo Canshuur heynta Lacag dhigashada tooska ah Shaqo la’aanta Ujeedada shaqo la’aanta, Gobolka Oregon ayaa matala shaqo bixiyaha. Fariimaha Tababaraha: Waxaad qaybisaa (haddii aan hore sidaasi loo sameyn) Oggolaanshaha Lacag Dhigashada Tooska ah (DHS 189) isla markaana sharax Haddii aad bedesho cinwaankaaga, waa muhiim in aad u soo sheegto xafiiskagaya. Haddii aad leedahay lacag dhigashada tooska ah oo kuu qorshaysan isla markaana kala bedesho bangiyada, waa in aad joojisaa Lacag Dhigashada Tooska ah Haddii HCW “shaqada laga fariisiyo” iyadoo ay la xiriirto isbedel ku yimaada adeega, ama macmiilka oo meel kale degaya, ama shaqada lagaa sii daayo sabab la’aan, waxaa laga yaabaa in uu u qalmo lacagta shaqo la’aanta la qaato Haddii aad dalbanayso lacagta shaqo la’aanta la qaato, diiwaannada cida loo shaqeeyaa waa is barnaamijka Shaqaalaha Daryeelka Guriga, 500 Summer St NE, E-10 Salem, OR HA siin magaca macmiilka/cida loo shaqeeyo. 46 46

47 Haddii aadan hada ka dib rabin in aad noqoto HCW:
Qoraal ahaan ku ogeysii xafiiska APD/AAA ee degaanka: Maalinta ugu dambeysa ee aad siin doonto ama aad adeegyada siisay dhammaan macaamiisha. In aad doonayso in aadan la shaqeyn macaamiil dheeraad ah mustaqbalka. Waxaa lacagta lagu siin doonaa wakhtiga caadiga ee la qorsheeyay bixinta lacagta haddii aad keento foojar sax ah. Fariimaha Tababaraha 47 47

48 Wakhtiga Safarka Shaqo
TIXRAAC: Xaashida Lagula Socda Wakhtiga Safarka Shaqo WAXAAD TIRAAHDAA: Shaqaalaha Daryeelka Gurigu waxaa hada la siiyaa lacagta wakhtiga safarka shaqo ee la iskaga gooshayo cida loo shaqeeyo dhexdooda. Waxaa jira sharciyada qaarkood oo ay tani leedahay: Waa in aad si toos ah u aadaysaa hal shaqo adiga oo u socda ta xigta. Waxaa lagu siin doonaa lacagta masaafada ugu gaaban/ugu dhaqsiyaha badan. Waxaa suurta gal ah in aad u joogsato si aad u buuxiso haantaada shidaalka ee gaariga ama aad isticmaasho musqusha. Safarku waa in uu qaataa wax ka yar hal saac Saacadaha lagu jiro safarku waxay qaadan karaan wax ka badan boqolkiiba 10% wadarta saacadaha lacagtooda la siiyo HCW Wakhtiga safarku waa in aanu ka badnaan saacadaha daryeelka la siiyo macmiilka Isticmaal xaashida lagula socda wakhtiga safarka si aad u sheegato saacadaha safarka Macmuulaadka haddii la isweydiiyo: Maxaa dhacaya haddii aan u kala safrayo inta u dhaxaysa qof adeegyo ka helaya ODDS iyo qof adeegyo helaya isaga oo adeegsanaya APD? Ma la isiin karaa lacagta wakhtigaasi? Haa. Tani waxaa sidoo kale hawsheeda lagu qabanayaa warqad ahaan – kaliya safarka shaqo ee u dhexeeya qof adeegyo ka helaya hal barnaamij iyo qof adeegyo ka helaya barnaamij kale. Wakhti kasta oo u dhexeeya cida loo shaqeeyo ee ka tirsan nidaamka ODDS, waa in biilka la diraa iyada oo la adeegsanayo eXPRS. Macluumaad dheeraad ah: APD-AR (

49 Siyaasadda Wakhtiga Safarka Shaqo
Waxaa kaliya lagu siin karaa lacagta wakhtiga safarka shaqo haddii aad bixiso adeegyo la oggolaaday in la siiyo wax ka badan hal cid oo loo shaqeeyo isku hal maalin. Waa in aad si toos ah u aadaysaa hal shaqo adiga oo u socda ta xigta. Ma helaysid lacagta marka aad u socoto/ka imaanaysid gurigaaga (xataa haddii adiga iyo cida aad u shaqaysaa aad wada nooshihiin). Waxaa lagu siin doonaa lacagta jidadka tooska ah isla markaana macquulka ah ee aad marto. Haddii wakhtigu qaato wax ka badan intii la filayay, waxaad qortaa sababta uu qaatay wakhti dheer. Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. Wakhtiga safarka shaqo waxaa lacagtiisa la bixiyaa heerka lacagta caadiga ah ee la bixiyo ‘base rate’, haddii aad hesho shahaadada aqoonsi ee horumarinta xirfadeed, aad caawineyso qof u qalma heerka QVD, ama sababta oo ah adiga oo ah HCW la xoojiyay. Wakhtiga safarka shaqo waa in la oggolaadaa waana in taasi dhacdaa isla maalinta aad shaqayso wax ka badan hal cid oo loo shaqeeye maalintaas. Haddii ay jirto biririf weyn oo muuqata oo u dhaxaysa wakhtiga la iskaga safrayo hal guri ilaa mid kale, waxaa laga yaabaa in aan lagu siin lacagtiisa. Biririf weyn oo muuqata waxaa lagu qeexaa in ay tahay 60 daqiiqo. Tusaale waxaa ah in loo joogsado qado la cuno ama qabashada hawlo shakhsiyeed. Ma helaysid lacagta marka aad ka soo socoto gurigaaga ee aad u socoto guriga cida aad u shaqayso, xataa haddii adiga iyo cida aad u shaqaysaa aad wada nooshihiin. Barnaamijka dadka u wada furan ee maabka lagula socdo ee internet-ka laga helo sida MapQuest ama Google Maps ayaa la isticmaali doonaa si loo go’aamiyo jidka ugu toosan iyo tirada wakhtiga la oggol yahay in la safro. Haddii ay qaadato wakhti dheeraad si looga tego hal cid oo loo shaqeeyo iyada oo loo socdo mid kale iyada oo ay sababtu tahay dhisme socda, isku socodka gaadiidka oo bata, ama dhacdo hawada la xiriirta oo aan la filayn oo timaada, waxaad mar kasta oo ay suurta gal tahay keentaa qoraal. Tani waxaad samayn kartaa adiga oo ku dul qoraya foomka safarka shaqo ama warqad kale. 49 49

50 Siyaasadda Wakhtiga Safarka Shaqo
Haddii nooca gaadiidku aanu ahayn mid shakhsi, waxaad nooca gaadiidka ku qortaa halka ku xigta “cinwaanka laga yimid.” Safarku waa in uu qaataa wax ka yar hal saac. Saacadaha safarku waxay qaadan karaan wax ka badan boqolkiiba 10% ee saacadaha la oggolaaday ee guud ee aad shaqaysay inta lagu jiro muddada lacag bixinta ee kasta. Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. Hababka kale ee gaadiidka waxaa ka mid noqon kara socodka, baaskiilka/bushkuleetiga, mootada yar ama gaari gacanka naafada, baska, ama noocyada kale ee gaadiidka dadweynaha. 6. Tixraac xaashida shaqada ee wakhtiga safarka: Tusaale ahaan, haddii aad shaqaysay wadarta 40 saacadood muddada lacag bixinta, wakhtigaaga safarka shaqo ma noqon karo mid ka badan 4 saacadood wakhtigaasi. 50 50

51 Siyaasadda Wakhtiga Safarka Shaqo
Wakhtiga safarka shaqo waa in aanu ka badnaan saacadaha daryeelka la siiyo macmiilka. Haddii aadan helin magdhawga lacagta masaafada la socdo wakhtiga safarka shaqo. Isticmaal xaashida lagula socda wakhtiga safarka shaqo si aad u sheegato saacadaha safarka. Baaritaan ayaa lagu samayn karaa. Wakhtiga lagu bixiyay arrimaha shakhsi lacagtiisa la isma siin doono. Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. 7. Waxa loo qaadan karaa in ay tahay musuqmaasuq haddii aad isku mar sheegato wakhtiga safarka shaqo iyo saacadaha aad u shaqaynayso qof. Tusaale ahaan, ma qori kartid in aad gaari shaqada u kaxaysatay laga bilaabo 9:00 -9:30 subaxnimo, laakiin xaashidaada shaqada, waxaad ku qortay in aad macmiilka u shaqaynaysay laga soo bilaabo 9:00-9:30. Inkasta oo aad helayso lacagta wakhtiga ay kugu qaadato in aad safarto, lagu siin maayo lacagta magdhawga ah ee masaafada aad socotay wakhtigaasi. Waxaad kaliya helaysaa lacagta magdhawga ee masaafada aad socoto ee gaadiidka la xiriira adeega haddii laguu oggolaaday. Xaqiiji in aad ilaashato nuqul ka mid ah foomka. 10. Arimaha shakhsi waxaa ka mid ah, laakiin haba yaraatee aanu ku koobnayn: dukaanka laga adeegto, joogsiga gurigaaga, joogsiga guriga xubin ka mid ah qoyska saaxiib la leeyahay, ama in loo joogsado qado la cuno. 51 51

52 Siyaasadda Wakhtiga Safarka Shaqo
Waxaa suurta gal ah in aad u joogsato si aad u buuxiso haantaada shidaalka ee gaariga isla markaanka isticmaasho musqusha inta u dhaxaysa guryaha macaamiisha laakiin kuwani waa joogsi gaaban. Waaxdu mas’uul kama aha dhaawaca soo gaara gaariga ama dhaawaca shakshiyeed ee ku soo gaara marka aad isticmaasho gaadiidka shakhsi ee kuu gaarka ah ama gaadiidka dadweynaha, marka laga reebo in laga yaabo in caymiskooda lagu daboolo sida uu dhigayo Magdhawga Shaqaaluhu. Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. 52 52

53 Siyaasadda Wakhtiga Safarka Shaqo
Waa in aad xafiiska APD/AAA ee degaanka siisaa caddeyn ah in ruqsaddaada baabuurka lagu wado iyo caymiska baabuurka ay yihiin kuwo cusub haddii aad isticmaalayso gaarigaaga gaarka ah oo ah gaadiid la oggol yahay. Caddeynta caymisku wuxuu noqon karaa kaarkaaga aqoonsiga mas’uuliyadda caymis, ama dokumenti kale oo aad ka heshay shirkadda caymiska oo caddeynaysa in aad leedahay caymis cusub. Waa in aad caddeynta caymiska keentaa ugu yaraan lix (6) bilood oo kasta, ama hadba sida joogtada ah ee aad u cusbooneysiiso siyaasadaada. Fariimaha Tababaraha: 53 53

54 Xaashida Lagula Socda Wakhtiga Safarka Shaqo
Xaqiiji in aad si taxadar leh qoraalkan u akhrido ka hor inta aadan saxiixin. Haddii aad saxiixdo, oo aadan laakiin runtii soo sheegin taariikhaha iyo wakhtiyada dhabta ah, waxaa loo arkayaa in ay tahay musuqmaasuqa Medicaid. Fariimaha Tababaraha: Marka la riixo waxaa soo baxaya qaybta 2aad ee qoraalka. Waxaad qaybisaa warqadaha lagula socdo wakhtiga safarka shaqo isla markaana guud mar ku samee. Bogga xiga ‘slides’ waxaa ku jira tusaalaha xaashi la buuxiyay iyo xisaabta lacagta ugu badan ee la bixin karo ee wakhtiga safarka shaqo. 54 54

55 Xaashida Lagula Socda Wakhtiga Safarka Shaqo
55 55

56 Xisaabta Lacagta Ugu Badan Ee La Bixin Karo Ee Wakhtiga Safarka Shaqo

57 Doorka ay leedahay Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon

58 Doorka Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon
Guddiga Daryeelka Guriga waxa leeyihiin shan mas’uuliyadood oo waaweyn marka ay noqoto adiga iyo shaqada aad qabato. Waxay: Qeexdaa shahaadooyinka aqooneed ee shaqaalaha daryeelka guriga; Abuureen isla markaana haysaa Diiwaanka shaqaalaha daryeelka guriga ee gobolka oo dhan; Waxay bixisaa fursado tababar oo loogu talagalay shaqaalaha daryeelka guriga; U adeegtaa iyada oo ah “diiwaanka cida loo shaqeeyo” iyada oo ujeedadu tahay gorgortan la wada galo. Tababartaa macaamiisha sidii ay u noqon lahaayeen cid loo shaqeeyo oo guulaysta. Fariimaha Tababaraha Guddiga Daryeelka Guriga waxaa la sameeyay 2000kii iyada oo la raacay wax ka bedel dastuur. Muwaadiniinta Oregon ayaa u coddeeyay in wax ka bedelaan dastuurka si ay u abuuraan Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon sanadkii 2000kii Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon (OHCC) waxay mas’uul ka tahay xaqiijinta tayada adeegyada daryeelka guriga waxaana maalgelisay Waaxda Adeegyada Dadweynaha (DHS) ee dadka waayeelka ah, dadka qaba naafanimada dhanka jirka ah, dadka maskax ahaan naafada ka ah iyo naafanimada, iyo dadka laga qabo walwal la xiriira caafimaadka dhimirka. Waxay bixisaa fursado tababar oo loogu talagalay shaqaalaha daryeelka guriga ee shaqaynaya ee la siin karo lacagta wakhtigooda marka ay ka qayb galaan tababarka. Guddigu waxay haysaa diiwaanka gobolka oo dhan iyada oo u isticmaasha fiirinta in ay isku dhigmaan shaqaalaha daryeelka guriga iyo macmiilka/cida loo shaqeeyo. Waxaad Diiwaanka u isticmaali doontaa si laguugu gudbiyo shaqo, la socodka shahaadooyinkaaga aqoonsi, iyo isku diiwaan gelinta tababarka. Waxaad fursad u haystaa ka qayb galka in ka badan 25 tababar oo lacag la’aan ah oo ay bixiso Guddigu. Guddigu waxay sidoo kale bixisaa caymiska magdhawga shaqaalaha marka aad qabanayso waxyaalo ku qoran Liiskaaga Hawsha 58 58

59 Diiwaanka http://or-hcc.org Fariimaha Tababarka:
Diiwaanku waa nidaam internet-ka ku salaysan oo dadka shaqada raadinaya oo la eego in ay isku dhigmaan dadka shaqaalaha raadinaya. Diiwaanku wuxuu fiiriyaa in ay isku dhigmaan dadka helaya adeegyada Medicaid iyada oo la barbardhigo dadka loo oggolaaday in ay bixiyaan adeegyadani. Marka hore, shaqaaluhu waxay riixaan badhanka laga sii gelayo Diiwaanka. Waxay u baahnaan doonaan lambarkooda daryeel bixinta waana in ay samaystaan magaca lagu gelayo ‘user ID’ iyo lambar/xaraf sir ah ‘password’. Mid kastaa waa in uu ugu yaraan ka koobnaadaa 6 xaraf/lambar/calaamadood. (Talo – maadaama magacyada lagu gelayo ‘user ID’ay tahay in ay ahaadaan kuwo gaar ah, isku day in aad dhexdooda geliso tirooyin kala duwan haddii magaca ay doortaan la aqbali waayo). Haddii qof ilaawo magaca ama lambarka/xarafka sirta ah ‘password’ ee uu samaystay, Guddiga Daryeelka Guriga ka wac Shaqaaluhu waa in ay galaan ‘log in’ Diiwaanka isla markaana buuxiyaan macluumaadka oo dhan si loogu gudbiyo shaqo. Xafiiska deegaanku kuguma dari doono wax macluumaad ah MARKA LAGA REEBO taariikhda tababarkan iyo shahaadooyinkaaga aqoonsi ee CPR marka aanu aragno kaararkaaga asal ah. Waa in aad gashaa diiwaanka si aad u cusboonaysiiso macluumaadkaaga 30 maalmood oo kasta, ama laguu gudbin maayo shaqo. Xaqiiji in aad fiiriso halka Xayaysiiska Caawimaad Baa Loo Baahan Yahay ‘Help Wanted’ kaga qoran yahay Diiwaanka. Kani waa hab loo qaado talaabo ah sida loo helo shaqo iyada oo la adeegsanayo Diiwanka WAXAA SIDOO KALE MUHIIM AH -- marka aan hada ka dib la raadinaynin shaqo, bogga tilmaamaya in shaqo diyaar loo yahay ku bedel “aan raadinayn”. Mar kasta ayaad xaaladaada bedeli kartaa. Shaqaalaha ku dhiirigeli in ay sameeyaan isla markaana raaciyaan Qoraal Shakhsi ahaaneed Shaqaaluhu waxay halka ay ku qoran tahay Caawimaad Baa Loo Baahan Yahay ‘Help Wanted’ ka fiirin karaan boosaska ay soo dhajisay cida shaqada bixisaa. Waa MUHIIM in la fiiriyo faahfaahinta booska shaqo ka hor inta aan qofka la wicin. 59

60 Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya bog midab leh.
Fariimaha Tababaraha Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya bog midab leh. U tilmaan meesha bannaan ee cinwaanka loogu talagalay ee ay tahay in ay geliyaan cinwaanka. Ka dibna waxay riixayaan qaybta ay ku qoran tahay Dadka Waayeelka ah iyo Dadka Waaweyn ee qaba Naafanimada Dhanka Jirka. Bogga xiga wuxuu muujinayaa halka laga galo ‘log in’ Dooro: Seniors and Adults with Physical Disabilities (Dadka Waayeelka ah iyo Dadka Waaweyn ee qaba Naafanimada Dhanka Jirka) Si aad u hesho RRS, waxaad gelisaa “ halka bannaan ee cinwaanka loogu talagalay ee internet-kaaga laga helo 60 60

61 Haddii aad ilowdo sida loo gelayo: wac 1-877-867-0077
Fariimaha Tababaraha Marka hore, shaqaaluhu waxay riixaan badhanka laga sii gelayo Diiwaanka. Waxay u baahnaan doonaan lambarkooda daryeel bixinta waana in ay samaystaan magaca lagu gelayo ‘user ID’ iyo lambar/xaraf sir ah ‘password’. Mid kastaa waa in uu ugu yaraan ka koobnaadaa 6 xaraf/lambar/calaamadood. (Talo – maadaama magacyada lagu gelayo ‘user ID’ay tahay in ay ahaadaan kuwo gaar ah, isku day in aad dhexdooda geliso tirooyin kala duwan haddii magaca ay doortaan la aqbali waayo). Haddii qof ilaawo magaca ama lambarka/xarafka sirta ah ‘password’ ee uu samaystay, Guddiga Daryeelka Guriga ka wac Shaqaaluhu waa in ay galaan ‘log in’ Diiwaanka isla markaana buuxiyaan macluumaadka oo dhan si loogu gudbiyo shaqo. Xafiiska deegaanku kuguma dari doono wax macluumaad ah MARKA LAGA REEBO taariikhda tababarkan iyo shahaadooyinkaaga aqoonsi ee CPR marka aanu aragno kaararkaaga asal ah. Waa in aad gashaa diiwaanka si aad u cusboonaysiiso macluumaadkaaga 30 maalmood oo kasta, ama laguu gudbin maayo shaqo. Fasalka loo yaqaan “Diyaar garow*Istaag*Shaqee waa mid u wanaagsan shaqaalaha cusub ee raadinaya shaqo. Wuxuu sharaxaad ka bixiyaa sida loo isticmaalo Diiwaanka iyada oo dhammaan shaqaalaha haysta lambarka daryeel bixinta la siin karo lacagta hal mar sanadkii marka ay ka qayb galaan fasalkaasi haddii ay shaqaynayaan ama haddii aanay shaqaynaynin. Haddii aad ilowdo sida loo gelayo: wac 61 61

62 Faa’iidooyinka uu leeyahay isticmaalka Diiwaanku
Isku diiwaan gelinta tababarka La socodka fasallada aad qaadatay La socodka shahaadooyinka aqoonsi ee la helay ee la xiriira shaqadan. Fiirinta taariikhaha cusboonaysiinta baaritaankaaga taariikh dambiyeedka. Si loo sii wado fiirinta in la isku dhigmo diiwaanka, Shaqaalaha Daryeelka Gurigu waa in ay: Sanad kasta dhamaystaan afar (4) koorsooyin tababar oo la oggolaaday. Labadii sano ee kasta dhamaystaan ugu yaraan hal fasal oo badbaadada la xiriira. Tilmaamahan la raacayo waxaa lagu qeexay Heshiiska Gorgortanka Lagu galay ee

63 Tababarka iyo Horumarinta Shaqo
63

64 Tababar lacag la’aan ah ayay helayaan shaqaalaha HCW.
Fursadaha Tababar Tababar lacag la’aan ah ayay helayaan shaqaalaha HCW. Fasaladala oggolaaday waxaa lagu xisaabinayaa tababarka la iskaga baahan ee sannadkii la qabto. Isku diiwaan gelinta fasallada: Internet-ka: OR-HCC.org ahaan: Telefoon ahaan: Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon waxay bixisaa 24 fasal oo kala duwan oo ay shaqaaluhu ka qayb gali karaan. Tusaalooyin: Sonkorowga Iyada oo la eegayo Tirada Caawinta Daryeel Bixiyayaasha ee la Dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Xadgudubka Ka Dhigida Mid Xirfad leh Caafimaadka Wadnaha Badbaadada Daawada Ka hortagga Gudbinta Cudurka 64

65 Faa’iidooyinka uu leeyahay Tababarku
Waxaad noqonaysaa qof la suuq geyn karo marka ay noqoto Diiwaanka. Haddii aad si firfircoon u shaqaynayso, waxaa laga yaabaa in lagu siiyo lacagta wakhtigaaga si aad uga qayb gasho fasalka. Ka dib ka qayb galka tababarka, waxaa suurta gal ah in aad u qalanto ka qayb galka fasalka CPR-ka/Gargaarka Degdega ah. Waxaad buuxin doontaa shuruudaha looga baahan yahay tababarka si laguugu gudbiyo Diiwaanka. Si aad u hesho wargeyska tababarka, Guddiga Daryeelka Guriga kala xiriir 1– ama Booqo website-ka OHCC. Fariimaha Tababaraha “Si firfircoon u shaqaynaya” waxaa loola jeedaa in ay jiraan saacado shaqo oo lacagtooda la bixiyay oo ah hal ama wax ka badan 3 bilood oo ka horeysa fasalka iyo/ama bisha fasalka. Guddiga Daryeelka Gurigu waxay bixisaa kharashka tababarka CPR-ka/Gargaarka Degdega ah ee HCW sida firfircoon u shaqaynaya ee dhamaystay tababarka 2 fasal isla markaana leh imaansho la’aan heerkeedu yahay boqolkiiba 20% ama ka yar. HCC waxaa laga yaabaa in ay bixiso lacagta CPR-ka/Gargaarka Degdega ah ilaa iyo inta uu HCW ka sii wadanayo qaadashada 2 fasal sanadkii. Shaqaaluhu waa in ay gudbiyaan arji codsi qoraal ah oo loogu talagalay faa’iidooyinka CPR-ka. Shaqaaluhu MAAHA in ay isku diiwaan geliyaan tababar iyaga oo aan haysan lambarka daryeel bixinta, haddii kale waxaalaga qaadi doonaa lacag. Waxaad qaybisaa telefoon lambarka OHCC – Shaqaalaha ku dhiirigeli in ay isdiiwaan geliyaan si ay bishii u helaan wargeyska iyaga oo isticmaalaya boosta ama . (Foomka Isku Diiwaan gelinta Wargeyska) Si aad wargeyska uga hesho internet-ka – booqo oregon.gov waxaanad raadisaa “tababarka Guddiga Daryeelka Guriga”

66 Shuruudaha Lacagta Lagu Helo Tababarka
Isku diiwaan geli fasal la oggolaaday. Foomka lacagta magdhawga ah lagu helayo buuxi oo u keen fasalka. Waxaa suurta gal ah in aad hesho lacag si aad hal mar uga qayb gasho tababar mawduuc gaar ah lagaga hadlayo 12 biloodba mar. Waxaa suurta gal ah in aad fasal lacag la’aan ah ka qayb gasho wax ka badan hal mar. Dulqaad yeelo. Waxay qaadataa 6-9 toddobaad si loo qabto hawsha bixinta lacagaha. Bixinta lacagtu had iyo jeer waxay ku salaysan tahay waa qiimaha u hooseeya ee lacagta mushahar ahaanta loo qaato ee ku qoran heshiiska gorgortanka lagu galay. Fariimaha Tababaraha: Janaayo 2017-ka, qiimaha u hooseeya ee lacagta la qaato way kordhaysaa iyada oo noqonaysa $14.50/saacadii Wakhtiga tababarka laguma xisaabin saacadaha ku qoran foojarka! Lacagta lagu helo tababarka waxaa la bixiyaa iyada oo la isticmaalayo nidaam kale. Canshuur lagama qaadi doono lacagta tababarka. Wakhtiga tababarka ee lagu darayo xaashidaada wakhtiga shaqo ama lagaga darayo saacadaha la oggolaaday ee ku qoran foojarkaaga iyo aqbaladaada lacagta tababarku waa musuqmaasuqa Medicaid . Waa mid la fahmi karo in dadku isku qaldaan nidaamka lacag bixinta, iyaga oo sameeya qalad ah in ay tahay in taasi ku daraan xaashidooda shaqada.

67 Tababarada Gaarka ah iyo Shahaadooyinka Aqoonsi
Shahaadada Aqoonsi Ee Horumarinta Xirfadeed Shahaadada Aqoonsiga HCW Ee La Xoojiyay Shahaadada Aqoonsi Ee Shaqaalaha Caafimaadka Bulshada Fariimaha Tababaraha: Shahaadada Aqoonsi Ee Horumarinta Xirfadeed – waxaa la helayaa Janaayo 2017-ka: Waxaad heli doontaa fursad aad ku hesho lacag dheeraad ah oo gaaraysa $.50 saacadii taasi oo ka saraysa qiimaha u hooseeya ee lacagta mushahar ahaanta loo qaato taasi oo bilaabmaysa Janaayo. PDC ahaan, waa in aad: Dhamaysataa fasallada la iskaga baahan yahay (dadka u tilmaan wargeyska tababarka kaasi oo la xiriira liiska); Lahaataa shahaadada aqoonsi ee CPR-ka/Gargaarka Degdega ah oo shaqaynaysa (waa in ay ahaataa mid cusub); Lahaataa boqolkiiba 80% oo ah heerka guusha ee qiimeynta fasal kasta (kaasi oo ah imtixaan lagaa qaado oo la xiriira aqoontaada macmuulaad ee lagugu baray intii lagu jiray fasalka); Lahaanin imaansho la’aan heerkeedu aanu ka badnayn boqolkiiba 20% oo la xiriirta fasallada; Buuxisaa isla markaana soo celisaa arjiga codsi Shahaadada Aqoonsi Ee Horumarinta Xirfadeed. Shahaadada Aqoonsiga HCW Ee La Xoojiyay: HCW La Xoojiyay waxay heli karaan lacag mushaharka loo qaato oo heerkeedu sareeyo inta ay u shaqaynayaan macmiilka ee ay bixinayaan adeegyada iyo taageerooyinka caafimaadka ku salaysan . Si loogu qalmo in la helo lacag mushaharka loo qaato oo heerkeedu sareeyo HCW waa in ay a) si guul ah u dhamaystaan Shahaadada Aqoonsiga Barnaamijka Tababarka ee loogu talagalay shaqaale la Xoojiyay IYO b) waa in ay adeegyo siinayaan qof u qalma noocaasi daryeel iyada oo ay ku salaysan tahay qiimeynta baahiyahooda. Lacag mushaharka loo qaato oo heerkeedu sareeyo wuxuu khuseeyaa marka loo shaqaynayo qof gaar ah oo leh adeegyada iyo taageerooyinka caafimaadka ku salaysan, hadba sida uu u qiimeeyo maamulaha dacwadu (tusaale, daryeelka boogaha; ku durida irbada sonkorta ‘insulin’; daryeelka neefsashada, iwm). Si aad u dalbato, waa in aad: Lahaataa Lambarka Daryeel Bixinta oo Shaqaynaya; Dhamaysataa isla markaana ku gudubtaa qiimeynta diyaar garowga Lahaataa Shahaadada Aqoonsi ee CPR-ka/Gargaarka Degdega ah oo cusub “Imaansho La’aan Heerkeedu aanu ka badnayn boqolkiiba 20% marka la qaadanayo tababarka fasallada OHCC. Shahaadada Aqoonsi Ee Shaqaalaha Caafimaadka Bulshada: Shaqaalaha caafimaadka bulshada ee la aqoonsan yahay waa dadka caawiya shakhsiyaadka iyo bulshada in ay qabatimaan dabeecado caafimaad, sida caadiga ahna waxa dadka uu isagu u adeego/ay iyadu adeegto kala mid yahay/tahay dhanka qowmiyadda, luqadda, xaaladda dhaqan-dhaqaale, iyo waayo-aragnimad nololeed. Waxay bixiyaan macmuulaad, iyaga oo sidoo kale ka caawiya fiirinta cadaadiska dhiigga iyo qiimeynta waxyaalaha kala ee la xiriira ka hortagga caafimaad. Waxaad heli kartaa 96+ saacadood oo ah tababar lacag laa’aan ah kaasi oo cida caadiga ah kharashkiisa yahay wax ku dhow boqolaal doolar. Heshay aqoonsiga horumarinta xirfadeed Tababarada Gaarka ah iyo Shahaadooyinka Aqoonsi 67

68 Magdhawga Lacageed Ee CPR-ka iyo Gargaarka Degdega ah
Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon waxay dabooli doonta kharashka CPR-ka iyo Gargaarka Degdega ah ee shaqaalaha daryeelka guriga ee haysta lambarada daryeel bixinta oo ah kuwo shaqaynaya ee: U shaqeeyay Shaqaalaha Daryeelka Guriga ahaan 3dii bilood ka horeeyay ka hor inta aan codsiga la gudbin. Dhameystay koorsooyinka labada ah ee Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon 12 bilood ee la soo dhaafay. Leh imaansho la’aan “no-show” heerkeedu yahay boqolkiiba 20% ama ka yar yahay oo aan la imaanin koorsooyinka tababar ee Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon. Fariimaha Tababaraha: Haddii qofka uu wakhtiyadii la soo dhaafay uu magdhawga tababarka CPR-ka ka helay Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon, dib u cusboonaysiinta shahaadada aqoonsiga sidoo kale waa la isku magdhabi karaa haddii shuruudaha kor ku xusan la buuxiyo isla markaana aad ka qayb gashay afar fasallada OHCC oo dheeraad ah. Lagumasiinayo lacagta wakhtigaaga inta lagu jiro koorsada.

69 Sii wadashada Waxbarash
Si laguugu gudbiyo Diiwaanka, waa in aad qaadataa afar (4) tababarka fasallada OHCC sanadkii. Fasalka kasta oo ay bixiso Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon waxaa lagu xisaabinayaa tababarka fasalka la iskaga baahan yahay marka laga reebo MoneyWise. Waxaad haysataa hal sano laga bilaabo helidaada lambarkaaga daryeel bixinta in aad ku dhameysanayso fasalladani. Ugu yaraan mid ka mid ah fasallada la qabto labadii sanadoodba mar waa in uu noqdaa fasal badbaadada la xiriira. Fariimaha Tababaraha: Dadka u tilmaan website-ka Guddiga wixii macluumaad dheeraad ah iyo liiska tababarada. Shuruudan la iskaga baahan yahay waxay la bilaabatay ansixinta heshiiskii kii. Xataa haddii shaqaaluhu ayna islahayn shaqaad raadin doontaan, waa fikrad wanaagsan in ay qaataan tababar. Haddii ay lumiyaan shaqo isla markaana ay doonayaan in ay isticmaalaan Diiwaanka, loo gudbin maayo ilaa ay buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay sii wadashada waxbarashada maahane. Shaqaalaha aan isticmaalayn Diiwaanka si ay u helaan shaqo MA LAHA tababar looga baahan yahay (sida shaqaalaha kaliya u shaqeeya qoys ama saaxiib isla markaana aan rabin in ay u shaqeeyaan dad kale) 69 69

70 Shakhsi ahaan Iskugu diiwaan geli Tababarka ku qoran Diiwaanka
Fariimaha Tababaraha: Waxaad liiska tababarada aad dhamaysatay iyo sidoo kale fasallada soo socda ee aad isku diiwaan gelisay ka heli kartaa Bogga Tababarka ee ku qoran boggaaga Diiwaanka. Waxaad sidoo kale booqon kartaa halka ay ku qoran tahay “Fasallada Tababar ee Soo Socda” si aad shakshi ahaan iskugu diiwaan geliso tababarada Sidoo kale tilmaan bogga ay ku qoran tahay“Caawimaad Baa Loo Baahan Yahay” halkaasi oo ay ka raadin karaan xayaysiiska macaamiisha raadinaya shaqaale.

71 Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon Barnaamijkiisa Magdhawga Shaqaalaha
Waxa la samaynayo haddii aad shaqada ku dhaawacanto Guddiga Daryeelka Guriga ee Oregon Barnaamijkiisa Magdhawga Shaqaalaha 71

72 Magdhawga Shaqaalaha Caymiska
Inta la qabanayo hawlo la oggolaaday oo la isku xilsaaray Yaan wacaa si aan ugu sheego dhaawac? (503) (Salem) Waa maxay foomka loo baahan yahay in uu buuxiyo dhakhtarkaygu? Ka codso dhakhtarkaaga in uu buuxiyo Foomka 827 Halkee baan u diraa foomamkan? Fax ugu dir SAIF oo laga helo Tababaraha: Waa muhiim in fiiro gaar ah loo yeesho Liiska Hawsha. Adeegyada ku qoran sharaxaadda shaqadu waxay qeexayaan waxa ay caymiskiisa dabooli doonto Magdhawga Shaqaaluhu. Haddii aad samaynayso wax la ogaaday in uu ka baxsan yahay xadka u dhigan sharaxaadda shaqada caymiskiisa la dabooli maayo haddii aad ku dhaawacanto shaqada. Muhiim! Gudbinta sheegasho kama dhigna in dhaawacaagu si toos ugu qalmayo faa’iidooyinka Magdhawga Shaqaalaha! 72

73 waa mid sharci ahaan la iskaga baahan yahay.
Qarsoodinimadu … waa mid sharci ahaan la iskaga baahan yahay. Fariimaha Tababarka: HCW ahaan, inta badan waxay noqon doontaa in aad hesho macluumaadka shakhsi ee ku saabsan cida aad u shaqayso. Waxaa sharci ahaan waajib kugu ah in aad macluumaadkaasi ka dhigo gabi ahaanba kuwo qarsoodi ah. Iyada oo cida aad u shaqaysaa ku siiso oggolaansho gaar ah maahane, qofna ha kala hadlin macluumaadka shakhsi ee cida aad u shaqayso marka laga reebo maamulaha dacwada ee cida loo shaqeeyo ama wakiilada xafiiska APD/AAA ee kale. Waa in aad saxiixdaa qoraalka qarsoodinimada si aad ugu shaqayso shaqaalaha daryeelka guriga ahaan. Waxyaalo ay tahay in laga fogaado: Ka hadalka qofka aad taageerto marka saaxiibo lala joogo. Xataa haddii aadan la wadaagin magaciisa/magaceeda ama macluumaad wax lagu aqoonsanayo, dadku way ogaan karaan. Wadaagista wixii macluumaad shakhsi ah xaalad kasta ha ahaatee. Haddii qof “u qalma” (sida dhakhtar ama qof bangiga jooga) uu kaa codsado macluumaad dhaqaale ama kuwo kale, jawaabta la socodsii cida aad u shaqayso (qofka naafada ah). Xaaladaha qaarkood, waxay kaa codsan karaan in aad macluumaadka la wadaagto cid kale adiga oo ka wakiil ah taasi ku saabsan wixii codsi gaar ah. Wadaagista macluumaadka cida aad u shaqayso lala wadaagayo xubnaha ka tirsan kaniisada ee soo booqda. Si gaar ah uga taxadar wadaagista macluumaadka shakhsi sida cinwaanka, telefoonka, dhaqaalaha, adeegyada la isticmaalay/la helay, iyo aqoonsiga shakhsi ahaaneed (SSN, koontooyinka bangiga, iwm). Waay-aragnimo fiican, waa haddii aadan jeclayn in qof kale macluumaadkaaga dad la wadaago, markaa adiguna ha la wadaagin iyaga! HCW wuxuu cida uu u shaqeeyo weydiisan karaa in ay CAADI tahay in uu telefoon lambarka macmiilka/cida loo shaqeeyo siiyo qoyskooda si ay ula soo xiriiraan haddii ay xaalad degdeg ahi timaado (haddii shaqaaluhu aanu haysan telefoonka gacanta). Waxaad qaybisaa Xuquuqda Qarsoodinimo ee Macmiilka Cida loo shaqeeyo (SDS 0356) hana la saxiixo haddii aanan foomka la saxiixin markii arjiga codsiga la keenay. 73

74 Qarsoodinimada Waaa in aad macluumaadka macmiilka/cida loo shaqeeyo ka dhigtaa mid qarsoodi ah: Magaca, cinwaanka, telefoon lambarka Xaaladaha caafimaad In qofku ka tirsan tahay Medicaid ama adeegyada kale ee gobolka Macmuulaadka dhaqaale Fariimaha Tababaraha: Kala hadal sida iyo marka ay tahay in laga dhigo qarsoodi. HCW waxaa laga yaabaa in uu helo macluumaad badan waana in uu ka taxadaraa in aanu wixii macmuulaad shakhsi ah kala hadlin dadka kale. (Helitaanka oggolaansho waa furaha). WAXAAD TIRAAHDAA: Waxaa laga yaabaa in cawaaqib xumo la kulmaan dhammaan dadka ku lug yeesha haddii la jebiyo qarsoodinimada: Cida aad u shaqayso waxaad ku ridi kartaa weji gabax ama sharaf dhac. Dadka kale waxay macluumaadka aad la wadaagtay ee ku saabsan cida aad u shaqayso u isticmaali karaan in ay waxyeello ugu geystaan ama kaga faa’iidaystaan isaga/iyada. Cida aad u shaqayso waxay lumin kartaa kalsoonida ay kugu qabto. Waxaad lumin kartaa shaqadaada HCW ahaan. Waxaa lagaa reebi karaa shaqada HCW ahaan. Bogga xiga wuxuu muujinayaa foomka 74 74

75 Fariimaha Tababaraha:
Wadaagista macmuulaad qarsoodi ah iyada oo aan la haysan oggolaansho waa sababo lagu joojiyo lambarkaaga daryeel bixinta. Dib u eeg waxyaalaha uu ka kooban yahay Heshiisku Waa maxay xaaladaha qaarkood marka ay CAADI tahay in lala hadlo qof iyada oo aan oggolaansho la haysan? Wada hadalka waa in ay ka mid noqdaan: Wicida 911 ee xaalad degdega ah ee naftu halista ku jirto La hadalka Kalkaalisada Caafimaadka Bulshada ee arrimaha caafimaadka Wadaajista macmuulaadka cusub ee lala wadaagayo maamulaha dacwada La hadalka maamulaha dacwada ee walwalka dhanka ammaanka ee shaqaalaha ee aan weli la xallin Wixii aan ka ahayn xaaladaha degdega ah, waxaa had iyo jeer fiican in marka hore lala hadlo cida loo shaqeeyo, had iyo jeerna loo sheego isaga/iyada qofka uu shaqaaluhu la hadlay ama uu la hadli doono.

76 Qarsoodinimada iyo Jeegaaga Lacagta
Marka aad isticmaalayso nuqulka jeegaaga (Foomka Tilmaanta Lacageed) si loo caddeeyo shaqo, xaqiiji in aad tirtirto lambarka Rasmiga ah ee Medicaid ee qof aad taageerada siinayso. Waxaa jira wakhtiyo mar aad u baahan tahay in aad muujiso caddeynta shaqo, sida marka aad rabto in aad hesho lacagta lagu helo ka qayb galka tababarka OHCC. Marka aad cida la wadaagto nuqulka jeegaaga (ama foomkaaga tilmaanta lacageed) , fadlan xaqiiji in aad tirtirto magaca cida aad u shaqayso! Haddii ay u baahan yihiin macluumaad dheeraad ah, caddeynta amaah ama sababo kale, lambarka la siinayo waxaa loogu talagalay kooxda u qaabilsan xiriirka:

77 Talooyin ku saabsan sida wax qarsoodi looga dhigo
Ha u oggolaan qofna cida aad u shaqayso maahane in ay arkaan foojarkaaga. Haddii uu qof kale u keenayo xafiiska, ku rid baqshad xiran. Ha u bixinin tixraac ahaan magaca cida aad u shaqayso ama ha u isticmaalin ijaar ama arjiga codsi ee amaah qaadashada iyaga oo oggolaansho ku siiya in aad sidaas samayso maahane (qoraal ahaan u hel). Ha ka hadlin cida aad u shaqayso adiga oo kala hadlaya xubnaha qoyskiisa/qoyskeeda ka tirsan – ama kuwa aad leedahay. Ha la wadaagin mulkiilaha macluumaadka caafimaadka cida loo shaqeeyo. Ha uga tegin foojarkaaga ama liiska hawsha meel dadka kale ka heli karaan (tusaale, miiskaaga qolka cuntada, gaarigaaga dhexdiisa) Fariimaha Tababaraha: Riixid kasta oo la sameeyo waxaa soo baxaya qoraal. 77 77

78 Waxaad Tahay Soo Sheego Ay Ku Waajibto
Waa in aad soo sheegto xadgudubka ama xadgudubka la tuhunsan tahay oo loo geystay qof waayeel ah, ilmo, dadka da’kasta leh ee ku nool xarun dadka lagu xanaaneeyo, ama qof adeeg hela iyaga oo adeegsanaya barnaamijka Caafimaadka Dhimirka Bulshada ama Naafanimada Korriinka Bulshada. Fariimaha Tababaraha: Shaqaalaha Daryeelka Guriga Waa Soo Sheegayaal ay ku Waajibto in ay soo sheegaan xadgudubka dhaca. Waayeel waxaa loola jeedaa dadka waaweyn ee da’doodu tahay 65 iyo ka sii weyn. Tani waa 24 saacadood maaliintii/oo shaqada la joogo ama laga maqan yahay. Intaasi waxaa dheer, shaqaalaha waxaa saaran waajibaad ah in ay soo sheegaan xadgudubka lagula kacayo dadka waaweyn ee naafada ah. Samayn la’aanta taasi waxay keenti kartaa in HCW lagu eedeeyo in uu dayacaad geystay. Warbixinta la soo gudbinayo waa in ay aadaa xafiiska degaanka ama waxay aadi kartaa Xafiiska Ka Hortagga Ku Xadgudubka Dadka Waaweyn iyo Baaritaannada (OAAPI) ee gobolka SAFE (7233) Waa mid sharci ah!

79 Waxaad Tahay Soo Sheego Ay Ku Waajibto – Waa mid sharci ah!
HCW waa soo sheegayaal ay ku waajibto in ay soo sheegaan 24 saacadood maalintii, 7 maalmood toddobaadkii taasi oo la xiriirta: ku xadgubta loo geysto qof weyn, xadgudubka ka dhaca xarun dadka lagu xanaaneeyo ee loo geysto dadka da’kasta leh; Dadka qaba I/DD ama xaaladdaha caafimaadka dhimirka; iyo Wixii carruur ah Haddii aad soo sheegi weydo xadgudub la tuhunsan yahay waxaad lumin karaa lambarkaaga daryeel bixinta HCW.

80 Marka La Soo Sheegayo Xadgudub….. 1-855-503-SAFE (7233)
Aqoonsigaaga waxaa laga dhigayaa mid qarsoodi ah. Waxaad ka reeban tahay mas’uuliyada shacbi iyo dambiyeed marka aad soo sheegayso xadgudub la tuhunsan yahay adiga oo daacad ah. Haddii aad soo sheegi waydo xadgudub la geystay sida la iskaga baahan yahay, waxaa jirta cawaaqib xumo daran oo lala kulmayo. Waa lagu: Xiri karaa; Ganaaxi karaa illaa $2,000; Dacweyn karaa; Shaqada ayaa lagaa joojin karaa daryeel bixiyaha Medicaid ahaan Warbixinta la soo gudbinayo waa in ay aadaa xafiiska degaanka ama waxay aadi kartaa Xafiiska Ka Hortagga Ku Xadgudubka Dadka Waaweyn iyo Baaritaannada (OAAPI) ee gobolka SAFE (7233)

81 Xadgudubka Waxaa Ka Mid Ah:
Cidla kaga dhaqaaqida qofka Ka faa’iidaysiga dhaqaale Dayacaada Xadgudubka jireed Ku Xadgudubka Dhanka Afka iyo Dareenka Xadgudubka galmo Go’doominta aan lagu tala galin Si qalad ah u isticmaalka xakamaynta jireed ama kiimiko Is-dayacaada QEEX: Cidla kaga dhaqaaqida qofka — Ka tegida ama cidlaynta qof weyn ama qof qaba naafanimo oo aana daryeelki karin naftiisa ama nafteeda isla markaana ku tiirsan caawimada daryeel bixiyaha. Tusaalooyin: Imaansho la’aanta ama shaqada la imaanayo wakhti dambe ee khatar gelinaysa caafimaadka, badbaadada iyo daryeelka macmiilka. Ka faa’iidaysiga dhaqaale — Si sharci daro ama si qaldan u isticmaalka lacagta qof kale leeyahay ama khayraad kale si shakhsi ahaan looga faa’iido ama wax looga helo. Tusaalooyin: Foorjari garaynta saxiixa macmiilka, isticmaalka kaararka deynta (credit cards) ee macmiilka ama qaadashada waxyaabaha gaarka loo leeyahay ama daawada. Si aad naftaada uga ilaaliso eedeymaha ka faa’iidaysiga dhaqaale, maaha in aad marnaba lacag ka amaahato cida aad u shaqayso waana in aad haysataa xaashiyaha risiitka ee dhammaan waxyaalaha aad u gado cida aad u shaqayso. Hawlaha sida soo adeegashada, waxaad haysan kartaa diiwaan qoraal ah oo ah lacagta laga helo cida aad u shaqayso wixii sarif ah ee loo soo celiyay isaga ama iyada. Dayacaada — Ku guuldareysiga — ha noqdaan kuwo si ula kac ah ama si taxadar la’aan ah, waayo-aragnimo daro, tababar ama xirfad aan ku filnayn oo la haysto loo sameeyay — bixinta daryeel aasaasi ah ama adeegyo loo siiyo qof sida lagu oggolaaday sharci, heshiis ama haddii kale mas’uuliyad la maleeyay. Tusaalooyin: U diidida daawo ama daryeel caafimaad, ku guuldareysiga in la bixiyo adeegyada loo baahan yahay. Xadgudubka jireed — Isticmaalka awood xad dhaaf ah ama weerar dhanka jirka ah, sida garaacida, dharbaaxada, qaniinyada, qanjaruufada ama tuuritaanka qof. Ku xadgudubka dhanka afka iyo dareenka— Isticmaalka magacyo xaqiraad ah, hadalo ama cay; jees jeeska, dhibaataynta, ku qasabka, hanjabaada ama casbi gelinta qofka; ama wax kasta oo diidaya xuquuqda madaniga ah ee qofka ama u keenaya dhaawac dhanka dareenka ah. Tusaale: Hanjabaada isticmaalayo “ama haddii kale” hadalo dhanka afka ah. Xadgudubka galmo — Xiriirka galmo ama samaynta galmo la isku qasbay, la isku qiyaanay, la iskugu hanjabay ama haddii kale qofka kale lagu qasbay. Tusaalooyin: Taabashada aan la rabin ama hadalada dhanka afka ee galmada la xiriira, wadaagista sheekooyin ama macluumaad aan la rabin oo galmada la xiriira. Go’doominta aan lagu tala galin: Waxaa loo isticmaalaa hawl fududaynta daryeel bixiyaha ama in lagu edbiyo qof weyn. Waxaa ku jiri kara xayiraad ama xaddidaad oo qofka weyn oo lagu haynayo qolkiisa ama qolkeeda ama meel gaar ah ama xaddidaad la saarayo awooda qofka weyni uu wax ula macaamilo, u dhexgalo, ama ula xiriiro dadka kale. Tusaalooyin: Dadka oo aan loo oggolaanayn in ay qof kula hadlaan telefoonka; qofka oo laga dhigayo u tago/tagto qolkiisa ama qolkeeda marka uuna isagu rabin ama ayan iyadu rabin. Si qalad ah u isticmaalka xakamaynta jireed ama kiimiko Tani macnaheedu waa in qofka la xakameeyo, iyada la isticmaalayo daawo ama jir ahaan midkood, gaar ahaan marka xirfadlaha caafimaadka oo ruqsad haysta uu aanu sameynin qiimeyn buuxda ka hor inta aanan la isticmaalin daawada uu soo qoray dhakhtar ruqsad haysta ruqsada ah ee loogu talagalay xakamaynta qofka; xaddidaad yar oo bedel ah qiimeyn laguma sameyn ka hor isticmaalka xakamaynta; ama xaddidaada waxaa loo isticmaalay hawl fududayn ama edbin. Tusaalooyin: Siinta macmiilka daawo u keenaysa hurdo si aad u sameyso waxyaabo kale; Ku xiridda xarig lagu xiro macmiilka iyo kursigiisa ama kursigeeda si aanu ama si aanay uga soo dhicin. Is-dayacaada — Marka qofku aanu fahmi karin cawaaqibka ka dhalan kara ficilida uu sameeyo ama aanu samaynin ee saameynta ku yeelanaya fayo-qabkiisa/keeda isla markaana laga yaabo in ay u keeni karto in ay naftooda waxyeello u geystaan ama khatar geliyaan. WEYDII: Goorma ayaa shaqaalaha daryeelka guriga loo tixgelin karaa in uu yahay qof xadgudub samaynaya? Tusaalooyin: Maamul xumida lacagta, Ka haynta daaweynta ama daawooyinka, diidida in la qabto hawl Celinta macmiilka Ka tegida qof wax ku tiirsan oo lagaga tegayo daryeel bixiye la’aan, Si qalafsan oo loola hadla cid loo shaqeeyo Haddii shaqaalaha daryeelka guriga loo maleeyo in uu dembi galay, isaga/iyada waxaa lagu samay doonaa baaritaan waxaana suurta gal ah in lambarka daryeel bixinta laga joojiyo. Shaqaalaha u tilmaan tababarka “CAAWINTA DARYEEL BIXIYAYAASHA EE LA DAGAALANKA MUSUQMAASUQA & XADGUDUBKA” wixii macluumaad ah ee dheeraad ah. 81

82 Hawlaha lacageed Haddii aad ku soo adeeganayso ama maareynayso lacag ay leedahay cida aad u shaqayso, hayso xaashiyaha risiitka iyo diiwaanada sax ah. Fariimaha Tababaraha: Kala hadal maareynta lacagta ama soo adeegashada. Hayso xaashiyaha risiitka; cida loo shaqeeyaa ha ku qorto xarafka uu magacoodu ka bilaabmo ama ha saxiixaan mar kasta uu HCW uu qaato lacag loogu talagalay soo adeegashada ama helo lacagta magdhawga ee waxyaalaha kala duwan ee uu qabto. Waxaad shaqaalaha daryeelka guddiga siin kartaa wax ay kula socdaan xaashiyaha risiitka ah iwm haddii ay mas’uul ka yihiin maareynta lacagta. (mid ka mid ah waxaa la isku siiyaa Tababarka loo yaqaan KA DHIGIDA MID XIRFAD LEH) Maamulaha dacwada ayaa cida loo shaqeeyo ee uu mas’uulka ka yahay u gudbin kara hay’adaha maareynta lacagta ee degaanka. Kala hadal soo adeegashada iyo marka iyo sida loo heli karo kaarka Cayrta ee Oregon oo leh magaca shaqaalaha 82

83 Badbaadadaa U Horeysa Fariimaha Tababaraha:
Haddii aad ku cusub tahay shaqada HCW ahaan ama aad adeegyo soo bixinaysay sanado badan, halkan waxaa ku qoran aqoon kororsi degdeg ah oo ka hadlaya arrimaha dhowr ah oo muhiim ah oo badbaadada la xiriira si loo dheerigeliyo caafimaadka inta shaqada lagu jiro. Taxadarada laga yaabo in aad samayso waxay ku xiran yihiin qiyaasta xiriirka aad filayso in aad la samayso cida aad u shaqayso. Nidaamka caadiga ah ee taxadarada u yaala waxaa ka mid ah isticmaalka mid ama wax ka badan oo ka mid ah habka wax loo qabto ee soo socda: Gacmo dhaqista; Isticaalka gacmo gashida latex ama gacmo gashiyada kale ee la isku ilaaliyo; Waxyaalaha wajiga la gashado, indhaha lugu ilaaliyo iyo/ama wajiga gaashaanka u noqda; Nadiifinta haboon ee deegaanka, sida isticmaalka warankiilada/biliijka waxa lagu nadiifiyo ama warankiilo/biliij lagu daray biyo si loo dilo jeermiska faafa (warankiiladu/biliijtu waxay dishaa jeermiska oo dhan oo ay ka mid yihiin bakteeriyada, fayrasyada iyo fungi. Waxyaalaha wax lagu nadiifiyo ee lagula dagaalamo bakteeriyada kaliya waxaa loogu talagalay in lagu joojiyo bakteeriyada); Maareynta fiican ee waxyaalaha wasakheysan ama qalabka la adeegsado; Gacan ku hayn kooban oo la xiriirta maareynta gogosha wasakheysan; iyo Tuurista haboon ee irbadaha la isku duro. Taxadarada guud waa tilmaamo la raaco si shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo cida loo shaqeeyo looga ilaaliyo in uu soo gaaro HIV (fayraska keena AIDS), hepatitis B iyo jeermiska dhiiga raaca. Raacida tilmaamahan la raacayaa, shaqaalaha daryeelka caafimaadku waxay ula dhaqmaan dhiiga, dheecaannada jirka qaarkood iyo unugyada dhammaan cida loo shaqeeyo sidii ay faafaan oo kale. Sida ay dhigayaan taxadarada guud, shaqaalaha daryeelka caafimaadku waxay xirtaan qalab la isku ilaaliyo sida waxyaalo wajiga la gashado ‘face masks’ iyo gacmo gashiyada ka samaysan latex, vinyl ama nitrile si looga hortago in ay maqaarka ama dheecaanka xuubka jirka ay soo gaaraan dheecaannada cudurka qaba. Siyaabo kale oo shaqaalaha daryeelka caafimaadku naftooda u ilaaliyaan waxaa ka mid ah dhaqidda gacmaha, iyada oo aan daboolka laga qaadayn irbaha marka la isku duro ka dib, iyo iyada oo irbadaha la isku duro iyo waxyaalaha kale ee afaysan lagu ridayo weelal aan la daloolin karin. Nidaamyadani waxa sidoo kale cida loo shaqeeyo ka ilaaliyaan in ay soo gaaraan dheecaanada jirka ee shaqaalaha daryeelka guriga. ** Waxaa jira macluumaad dheeraad ah oo gaar ah oo ku jira buuga badbaadada ee lala bixiyay waxyaalaha lagu siiyay. Badbaadadaa U Horeysa 83

84 Fasallada badbaadada ee cusub waxaa ka mid ah:
Ka hortagga Gudbinta Cudurka (PDT) Iska Ilaalinta Murgacashada iyo Muruqa jirka gala (PASS) Qaadashada Mas’uuliyada Badbaadada Qofka (TRIPS) COMPASS Qaybta Isbaanishka ee Buuga Badbaadada ayaa la helayaa. Wac si aad u codsato nuqul. Buuga Badbaadada OHCC:

85 Isticmaalka nidaamka caadiga ah ee taxadarada u yaala
Jeermiska waxaa inta badan la iskugu gudbiyaa dheecaanada jirka (dhiiga, mataga, kaadida, canshuufta). Yaree gudbinta jeermiska adiga oo HAD IYO JEER isticmaalaya gacmo gashiga ama shay wajiga la gashado. Isticmaal nidaamka caadiga ah ee taxadarada u yaala adiga oo qof kasta u samaynaya, ma aha kaliya kuwo aad ka shakisan tahay in ay jiran yihiin. Fiiri Buuga Badbaadada HCW wixii macluumaad ah ee dheeraad ah. Tani waxaa mararka qaarkood loo yaqaan Taxarada Guud. Jeermisku wuxuu sidoo kale noqon karaa mid hawada la iskugu gudbiyo – sida qufaca, hindhisada, iwm. Qaaxadu waa tusaale ka mid ah cudurka hawada la iskugu gidbiyo. Weydii -- Maxay yihiin noocyo ka mid ah xayndaabka la isku ilaaliyo ee shaqaalaha daryeelka gurigu laga yaabo in uu isticmaalo? Gacmo gashiga Fariimaha Tababaraha: Xayndaabka la isku ilaaliyo marka la samaynayo neefsashada samatabixinta Waxyaalo wajiga la gashado marka laga hareer shaqaynayo qof qaba cudur hawada la iskugu gudbiyo Dharka caafimaadka marka la nadiifinayo dheecaannada jirka U soo jeedi in laga qayb galo tababarka Ka hortagga Gudbinta Cudurka 85 85

86 Had iyo jeer gacmahaaga dhaq:
Gacmo dhaqistu waa habka ugu fiican ee looga hortago faafinta jeermiska Had iyo jeer gacmahaaga dhaq: Ka dib marka aad timaado guriga cida aad u shaqayso. Ka hor inta aanad cuntada diyaariyaan. Ka hor iyo ka dib inta aadan ka caawin cuntada. Ka dib marka aad tegto musqusha. Ka hor iyo ka dib inta aadan cida aad u shaqayso ka caawin musqusha. Ka hor inta aadan ka tegin guriga cida aad u shaqayso. Fariimaha Tababaraha: Kala hadal wakhtiga kale ee ay tahay in la dhaqo gacmaha: Wakhti kasta oo aad: Hindhisto ama qufacdo. Taabato sankaaga, afkaaga ama xubnaha tarankaaga. Qaado qashinka. Qaado qashinka xayawaanka. Guriga nadiifiso. Taabato dhiiga, kaadida, saxarada, mataga, shahwada, dheecaanka makaanka ama wixii dheecaanka jirka ee kale. 86 86

87 Xirashada Gacmo Gashiga
Qorshaha caafimaad ee cida aad u shaqayso waxaa laga yaabaa in uu bixiyo lacagta gacmo gashiga la tuuro ee loogu baahan yahay daryeelka shakhsi ahaaneed. Waxaad sidoo kale qaarkood ka heli xafiiska degaanka si aanay marnaba kuula soo dersin gacmo gashi la’aan. Xirashada gacmo gashiga shaqada ee loogu talagalay hawlaha gurigu sidoo kale waa kuwo muhiim ah. Waxaad u baahan doontaa in aad kuwaan naftaada siiso. Fariimaha Tababaraha: Kala hadal sida loo helo sahayda hore ee gacmo gashiga iyo waxyaalaha wajiga la gashado. Waa in gacmo gashiga had iyo jeer la xirto marka la taabanayo dheecaannada jirka, waxyaalaha ay u badan tahay in cudurku soo gaaray, iyo marka wax la nadiifinayo. Sharci fiican oo ay tahay in la raacaa waa: Haddii ay qoyan tahay – xiro gacamo gashi! Waa mid faa’iido leh in aad keensato sahay aad isku ilaaliso oo kuu gaar ah sababtoo ah: Waxaa laga yaabaa in aad u baahan tahay wax ka badan inta ay hayso cida loo shaqeeyaa Waxaa laga yaabaa in cida loo shaqeeyaa aanay midba haysan Isticmaalka wax la isku ilaaliyo waxay kaa caawin doonaa: In aad iska ilaaliso dhaawac iyo/ama jiro ku soo gaara In aad iska ilaaliso ka maqnaanshaha shaqada ee maalmo laga maqnaanayo In aad iska ilaaliso ku faafinta jeermiska ee cida aad u shaqayso ama iyada oo laga soo qaadayo hal cid oo loo shaqeeyo oo loo gudbiyo mid kale HA dhaqin isla markaana dib ha u isticmaalin gacmo gashiga la tuuro Kala hadal ama tus sida loo isticmaalo iyo sida la iskaga saaro gacmo gashiga: Haddii gacmo gashiyadu ay wasakheysan yihiin ama wasakh leeyihiin – gacantaada gacmo gashiga xiran ha ku taaban maqaarkaaga ama waxyaabaha kale Hal gacmo gashi qanjaruufo u isticmaal meel ka hoosaysa curcurka adiga oo qayb ahaan soo jiidaya, dhanka kalena u soo rogaya Gacanta uu qayb ahaan gacmo gashigu ku xiran yahay, qanjaruufo u isticmaal gacmo gashiga kale ka dibna soo jiid adiga oo dhanka kale u soo rogaya isla markaana si buuxda iskaga saaraya Adiga oo taabanaya kaliya meesha gudaha ah ee nadiifta ah, iska saar gacmo gashiga intiisa kale 87 87

88 Badbaadada Daawada Ogow Shanta Saxda ah
Qofka Saxda ah Daawada Saxda ah Qiyaasta Saxda ah Habka Saxda ah Wakhtiga Saxda ah Fariimaha Tababaraha: Haddii aad ogolaato in aad qof ka caawiso daawooyinka iyada oo ay tahay qayb ka mid waajibaadkaaga shaqo, waa muhiim in aad fiiriso waxa loo yaqaano shanta saxda ah ka hor inta aadan caawin. Qaadashada daawooyinka hab qaldan loo qaadanayo waa mid aad halis ah waxayna keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad ama xataa dhimasho. Akhri qoraalka ku qoran daawada mar kasta oo aad wax caawiso! Si tartiiba u akhri dhalada isla markaana raac tilmaamaha. Tusaale ahaan, haddii dhalada daawadu ay ku qoran yahay “Ha burburin,’ markaa ha burburin. Haddii cida aad u shaqaysaa ku adkeysato, waa CAADI in aad tiraahdo kalsooni kuma qabo samaynta tani sababtoo ah waa mid aan badbaado ahayn isla markaana ku dhiirigeli isaga in uu waco/iyada in ay wacdo dhakhtarka ama farmashiyaha. Haddii ay suurta gal tahay, waxaad heshaa macluumaadka ugu badan ee aad heli karto ee ku saabsan daawada si looga hortago qaladaad dhaca: Marka iyo sida ay tahay in loo qaato (cunto lagu qaato, cuntooyinka ka hor la qaato, cabitaanka mambeelmada la’aanteed la qaato, in la calalin karo. Waxa la samaynayo haddii qiyaasta ‘dose’ ay maqan tahay; Raadadka suurta galka ah ee ay leedahay iyo waxa la samaynayo; Sida laga yaabo in daawadu ula falgasho daawooyinka kale ee la qaatay (tusaale, Fiitamiinada iyo daawooyinka meel kasta laga iibsan karo OTC); Sida ay badbaadada u leedahay in la tuuro daawooyinka aan la isticmaalin Akhri qoraalka ku qoran daawada mar kasta oo aad wax caawiso!

89 SEIU, Degaanka 503 Website-ka: www.seiu503.org
SEIU sida Urrurka Shaqaalaha Daryeelka Guriga waxay matashaa shaqaalaha waxayna taageero ka geysataa wada xaajoodka mushaharka, faa’iidooyinka iyo xaaladaha shaqada lala yeelanayo Gobolka. Wixii macluumaad ah ee dheeraad ah, fadlan ha ka gaban in aad Xarunta Khayraadka Xubnaha SEIU ka wacdo Su’aalaha ku saabsan faa’iidooyinka caafimaad iyo wakhtiga la is fasaxo ee lacagta la qaadanayo, la xiriir Shaqaalaha Daryeelka Guriga Dheeraadka ah iyo Faa’iidooyinka Hay’adda Sharciga ah adiga oo wacaya ama booqo: ama Fariimaha Tababaraha: SEIU sida Urrurka Shaqaalaha Daryeelka Guriga ah waxay matashaa shaqaalaha waxayna taageero ka geysataa wada xaajoodka mushaharka, faa’iidooyinka iyo xaaladaha shaqada lala yeelanayo Gobolka. Urrurka shaqaaluhu wuxuu sidoo kale sharci-dajiyayaasha aan leenahay la wadaagaa sida uu barnaamijkani muhiimka ugu yahay daryeel bixiyayaasha, iyo dadka hela adeegyada SEIU waxay sidoo kale qayb ka geysataa faa’iidooyinka xubinimo ee la xiriirta ahaanshaha Shaqaalaha Daryeelka Guriga. Tusaale: Caymiska Nolosha, Lacag dhimista telefoonka gacanta, caymiska sharci ee kooxda iwm. Wixii macluumaad ah ee dheeraad ah ee ku saabsan waxyaalahan laga hadlay, fadlan ha ka gaban in aad wacdo lambarka hoosta lagu bixiyay. 89

90 Faa’iidooyin Dheeraad ah
Waxaa laga yaabaa in aad u qalanto faa’iidooyin kale adiga oo adeegsanaya Hay’adda Sharxiga ah Ee Shaqaalaha Daryeelka Guriga SEIU. Wixii macluumaad ah wac Fariimaha Tababaraha: Qaar ka mid ah shaqaaluhu way u qalmi doonaan sida ay dhigayso Medicaid iyada oo faa’iidooyinkan la ballaariyay Waxaa laga yaabaa in qaar ka mid ah shaqaaluhu ay awoodaan in ay gataan caymis caafimaad iyaga oo adeegsanaya isweydaarsiga daryeelka caafimaad ‘health care exchange’ Urrurka shaqaaluhu wuxuu sharaxaad ka bixin karaa u qalmida qorshaha caafimaad ee ay bixiso Hay’ad Sharci ah 90

91 Ilaha Waaxda Adeegyada Dadweynaha Oregon (DHS) www.oregon.gov/DHS
Waaxda Shaqada Oregon Metro Valley/Xarunta Caymiska Shaqo La’aanta (UI) Xarumaha goobaha kale ee UI: Adeegyada Badbaadinta Dadka Waaweyn (APS) Adeegyada Badbaadinta Carruurta (CPS)    Adeegyada Dakhliga Hoose (7 subaxnimo ilaa 10 galabnimo Isniinta–Jicmaha) Waaxda Dhakhliga Oregon 91

92 92


Download ppt "Tababarka Shaqaalaha Daryeelka Guriga"

Similar presentations


Ads by Google