Presentation is loading. Please wait.

Presentation is loading. Please wait.

XISBIGA MIDNIMO- QARAN MIDNIMO NABAD BARWAAQO SOMAALIYA ©2014.

Similar presentations


Presentation on theme: "XISBIGA MIDNIMO- QARAN MIDNIMO NABAD BARWAAQO SOMAALIYA ©2014."— Presentation transcript:

1

2 XISBIGA MIDNIMO- QARAN MIDNIMO NABAD BARWAAQO SOMAALIYA ©2014

3 The National Unity Party HALKUDHIGYADA XISBIGA  Suuragal ma aha inaan Somaaliya isbedel ku sameeno haddii ugu horeyntii aanan bedelin aragtideena, hab-dhaqanka ururadeena iyo qaabka aan uwajaheyno siyaasadda.  Ilaahey ma bedelaayo xaaladeena ceebta iyo sharaf- darada ah ee aan ku jirno xiligaan, haddii aanan nafteena isbedel ku sameynin.  Ma rabno inaan ku noolaanno gacma-hoorsiga beesha caalamka, ma dooneyno inaan qaxooti ku noqono wadamo dad kale leeyihiin, waxaan rabnaa inaan dalkeena kula noolaano sharaf iyo barwaaqo.

4 The National Unity Party XISBIGA IYO DASTUURKA KMG  Muwaadin waliba wuxuu xaq u leeyahay: (a) inuu abaabulo, aasaaso, ka qeyb galo ururo siyaasadeed, shaqo xirfad ama bulsho oo waafaqsan sharciga, iyadoon amar la soo weydiin Dowladda. Axdika KMG, qodobka 16.  Sida sharcigu qabo, dhammaan muwaadiniinta waxay xaq u leeyihiin inay ka mid noqdaan xisbiyo siyaasadeed oo leh qorshe siyaasadeed oo si cad u qeexaya hadaf siyaasadeedkooda qaran. Axdika KMG, qodobka 22.

5 The National Unity Party HORDHAC  Asaasayaasha Xisbigu waxey ku qanacsan yihiin in xisbigu barbaarin karo hogaanka siyaasadda, lagu abaabuli karo bulshada, laguna hagaajin karo xiriirka ka dhexeeya bulsho ku dhisan qabiil iyo Islaam, iyo dawlad ku saleysan muwaadinnimo. Xisbigu wuxuu heshiisiinayaa dawladda iyo bulshada, dhaqanka iyo arimaha casriga ah.  Axdigaan ku meel-gaarka ah ee Xisbiga Midnimo-Qaran waxaa lagu maamulayaa hawlaha Xisbiga muddo labo sano aan ka badneyn laga bilaabo 26 Feberaayo, 2014. Muddadaas labada sano ah gudohooda, waxaa dib-u-eegis lagu sameyndoonaa Axdigaan si looga dhigo dastuurka rasmiga ah ee Xisbiga, waxaana lagu ansaxinayaa shirweynaha Xisbiga.

6 The National Unity Party 1. Xisbigu wuxuu si aan laab-laab laheyn ugu dheggan yahay mabaadi'da lagu dhisay Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya oo ka dhigtay Islaamka marjac kama danbeys u ah qawaaniinta dalka, wuxuu u doodayaa in si dhexdhexaadnimo ah loo fasiro Islaamka, tilaabo-tilaabo loo hirgeliyo, lagana hortago kala qaybsaanta bulshada iyo seef-la-boodnimada. 2. Xisbigu wuxuu u taagan yahay soo celinta iyo dhawridda midnimada Qaranka, iyo isku duubnida bulshada dagaalka sokeeye burburiyey ayada oo la adeegsanaayo farsamooyinka Cadaaladda Xilliga kala-Guurka ah oo ka shiidaal-qaadaneysa dhaqanka dadka iyo diinta Islaamka. MABAADI’DA GUUD

7 The National Unity Party 3. Xisbigu wuxuu rumeysan yahay xornimada qofka iyo xuquuqda bulshada, xukunka dimoqraadiga ah iyo adeegsiga mabaadi'da wada-tashiga ayada oo la adeegsanaayo doodaha furan iyo wada-tashiga bulshada. 4. Xisbigu wuxuu horseedayaa sareynta sharciga, hay'adeysnaanta, federaalaynta, kala qaybsanaanta awoodaha hay'adaha dawladda iyo madax-banaanida garsoorka. 5. Xisbigu wuxuu utaagan yahay dhawridda karaamada insaanka iyo xuquuqdiisa assasiga ah, iyo sinaanta dhamaan muwaadiniinta iyo helitaanka adeegyada bulshada. MABAADI’DA GUUD

8 The National Unity Party 6. Xisbigu wuxuu ku baraarugsan yahay ahmiyadda ay leedahay horumarinta dhaqan-dhaqaale, taas oo muwaadin kasta la gaarsiinayo adeegyada bulshada iyo fursadaha shaqo siinta ayada oo dhaxal-qarameedka iyo ba[y]'ada si habsami ah loo dhawrayo. 7. Xisbigu wuxuu rumeysan yahay ahmiyadda ay leedahay in laga qaybgeliyo dumarka iyo dhallinyarada siyaasadda iyo in la dhiso muggooda si ay awood ugu yeeshaan iney si buuxda uga qeyb galaan hawgallada siyaasadeed, iyo arimaha bulshada iyo dhaqaalaha. 8. Xisbigu wuxuu u taagan yahay hurumarinta mashruuca iskaa-shi goboleedka ee shucuubta iyo dawladaha Geeska Afrika ( regional integration) iyo adkeynta calaaqaadka saaxibtinimo ee shucuubta iyo dawladaha caalamka. MABAADI’DA GUUD

9 The National Unity Party 1. Xisbigu wuxuu mudnaanta 1aad siinayaa midnimada- qaranka ayada oo la adeegsanaayo horumarinta iyo udoodidda cadaaladda iyo sinaanta oo ku imaan karta in si buuxda loo dhaqan-geliyo qawaaniinta dalka, dhibaatooyinkii soo dhacayna lagu xalliyo farsamooyinka Cadaaladda Xilliga Kala-Guurka ah si waafaqsan dhaqanka shacabka Somaaliyeed. 2. Xisbigu wuxuu higsanayaa inuu noqdo xoogga siyaasadeed ee hogaamiya dib-u-dhiska iyo horumarinta hay'ado dawladeed ee casri ah ayadoo la adeegsanayo hanaanka dimoqraadiyadda iyo nidaam ku dhisan mudnaan, kana hortagaaya eexda, qaraabo-kiilka, qof- jeclaysi iyo kooxeysi. UJEEDOOYINKA

10 The National Unity Party 3. Xisbigu wuxuu u ololeeynayaa dhismaha hay'adaha amniga oo tayo sare leh laguna barbaariyey dhawridda xuquuqda insaanka, kuwaas oo awood u leh xaqiijinta amniga dadweynaha iyo buuxinta baahidda nabadgelyada qaranka. 4. Xisbigu wuxuu u doodayaa aburista nidaam- xisaabeed hufan ee hay'adaha dawladda iyo kuwa gaarka ah si looga hortago boobka hantida guud, maamul-xumada, musuq-maasuqa iyo canshuur la cararka. UJEEDOOYINKA

11 The National Unity Party 5. Xisbigu wuxuu geesinimo gelinayaa hirgelinta nidaam dhaqaale ku dhisan kobcinta dhaqaalaha dadweynaha, abuuridda bay'ad soo jiidaneysa maalgashiga, la bixitaanka khayraadka dabiiciga ah iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. 6. Xisbigu wuxuu taageerayaa adeegsiga siyaasad firfircoon ee arimaha dibadda oo xaqiijineysa danaha qaranka oo lagu hormarinayo iskaashiga shucuubta Geeska Afrika, calaqaadka iskaashiga sokeeye ee Somaaliya kala dhexeeya dalalka Afrika, Carabta iyo Muslimiinta, iyo in lala yeesho xiriir miisaaman ururada caalamiga ah iyo dawladaha aduunka si loo hurmariyo nabadda, amaanka iyo iskaashiga u dhexeeya ummadaha. UJEEDOOYINKA

12 The National Unity Party 7. Xisbigu wuxuu horumarinayaa arimaha dhalinyarada ayada oo la siinayo fursado waxbarasho, loo dhisaayo goobaha isbortiga iyo nasashada. Sidoo kale, dhalinyarada waxaa loo sameynayaa fursado shaqo-siin si ay u noqdaan kuwa ka qaybqaata hawlaha wax soo saarka iyo adeegga bulshada. 8. Xisbigu wuxuu u horseedayaa fursado u abuuridda iyo dhiirrigelinta hormarinta awoodaha dumarka ee dhinacyada siyaasadda, dhaqanka iyo dhaqaalaha si ay u helaan qaybta ay xaqqa u leeyihiin ee siyaasadda, bulshada, iyo dhaqaalaha. UJEEDOOYINKA

13 The National Unity Party 9. Xisbigu wuxuu geesinimo gelinayaa hawlaha samafallada ay ka shaqeeyaan hay'adaha aan dawliga aheyn iyo jamciyaadka sida ururada bulshada rayidka ah, madaxda dhaqanka, hay'adaha samafalka, awqaafta iyo Sakada. Waxaa kale uu Xisbigu taageerayaa hal-abuurka ururadaas, korna u qaadayaa xiriirka hay'adaha dawladda iyo kuwa aan dawliga aheyn si loo ciribtiro saboolnimada iyo tabaalaysnaanta. 10. Xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa ciribtirka seef la-boodnimo kasta, xoog-adeegsiga iyo musuq-maasuqa loo isticmaalo in lagu gaaro ujeedooyin siyaasadeed. Si gaar ah Xisbigu wuxuu ciribtirayaa xagjirnimada loo adeegsado magaca Islaamka, ayada oo la isticmaalayo istrateejiyad baahsan iyo hawlgallo isku-xiran oo leh iskaashi goboleed iyo mid caalami ah. UJEEDOOYINKA

14 The National Unity Party 11. Xisbigu wuxuu horumarinayaa in la gaarsiiyo muwaadiniinta adeegyada asaasiga ah sida tacliinta, caafimaadka, daryeelka qaybaha bulshada tabaaleysan iyo fulinta barnaamijyada dib-u-dejinta qaxootiga iyo bara- kacayaasha. 12. Xisbigu wuxuu horumarinayaa qurba-joogta Somaaliyeed, wuxuuna abuurayaa hay'ado ku haboon oo gaarsiin kara adeegyada ay u baahanyihiin. Dhanka kale, Xisbigu wuxuu ku boorrinayaa qurba-joogta Somaaliyeed in ay ka qaybgalaan arimaha siyaasadda, bulshada, dhaqaalaha iyo hurumarinta dhaqanka. UJEEDOOYINKA

15 The National Unity Party Tabaha hawlgalka Xisbiga waxaa lagu soo bandhigayaa farsamooyinka fulinta ujeedooyinka, barnaamijyada, siyaasaadka iyo mawqifyada, waxaana ka mid ah: 1. Ururinta muwaadiniinta Somaaliyeed oo rumeysan aragtida mabaadi'da iyo ujeedooyinka Xisbiga si ay u noqdaan xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga, wadajirna uga qaybgalaan dib-u-dhiska qaranka si waafaqsan habka siyaasadda dimoqaraadiga. TABAHA HAWLGALKA

16 The National Unity Party 2. Dhisidda iyo joogteynta Hay'adaha Xisbiga heerka qaranka, federaalka, degmooyinka iyo qurba-joogta si waafaqsan hanaanka dimoqaraadiga ah iyo maamul-wanaagga, taas oo u suuragelineysa xubin kasta inuu helo xuquuq iyo fursado loo simanyahay. 3. Hurumarinta iyo soo shaac-bixinta hoggaan hufan ee heer qaran, dawladaha federaalka, degmooyinka iyo qurba-joogta ayada oo kor loo qaadayo mugga xubnaha, lagana qaybgelinaayo tartamada doorashooyinka dalka ee xafiisyada adeegga dadweynaha. TABAHA HAWLGALKA

17 The National Unity Party 4. Sameynta isbahaysiga siyaasadeed iyo iskaashi dhexmara Xisbiga iyo xisbiyada siyaasadeed ee kale iyo hay'adaha dalka gudihiisa iyo dibaddiisa si loo wada xaqiijiyo ujeedooyinka ka dhexeeya. 5. Adeegsiga warbaahinta casriga ah iyo qoraallada la daabaco si loo baahiyo siyaasadaha iyo barnaamijyada Xisbiga, iyo sidii taageerayaasha ugu badan loo gaarsiin lahaa arimahaas. 6. Qabashada shirarka, dood-wadaagyada iyo tababarradda si loo carbiyo, loona layliyo xubnaha Xisbiga, loona fidiyo afkaarta iyo barnaamijyada Xisbiga. TABAHA HAWLGALKA

18 The National Unity Party 7. Adeegsiga ololayaasha siyaasadeed iyo banaanbaxyo si kor loogu qaado abaabulka iyo taageerada dadweynaha, guulna looga gaaro doorashooyinka. 8. Hormarinta siyaasaadka, soo saaridda war- murtiyeedyada iyo soo bandhigidda mawaaqifta Xisbiga ee ku aaddan dhacdooyinka waaweyn iyo qadiyadaha dalka iyo dunida. TABAHA HAWLGALKA

19

20 The National Unity Party 1. Guddiga Fulinta Qaranka (GFQ). 2. Golaha Dhexe Qaranka ( GDHQ) 3. Guddiga Qaranka ee Shuruucda iyo Anshaxa (GQSHA) 4. Kutlada Baaralamanka Qaranka (KBQ) 5. Guddigga Fulinta Dawladaha Federaalka (GFDF) 6. Kongareesyada Dawladaha Federaalka ah (KDF) 7. Guddiga Anshaxa Dawladaha Federaalka (GADF) 8. Kutlada Baarlamaanka Dawladaha Federaalka (KBDF) 9. Laamaha Qurba-joogta (LQ) DHISMAHA GUUD EE XISBIGA

21 The National Unity Party 1. Waxaa xisbiga xubin ka noqon kara ruux kasta oo Somaali ah da’diisuna gaartay (18) oo ku qanca mabaadi'da, ujeedooyinka, siyaasadaha iyo barnaamijka Xisbiga, haddii aanu jirin qodob sharci ah oo ka horjoogsanaya in ay xisbiga ku biiraan. 2. Qofka xubin ka noqonaya xisbiga waa inuu ballanqaadaa in uu dhawrayo, kuna shaqaynayo mabaadi'da, ujeedooyinka, siyaasadaha iyo barnaamijka Xisbiga. Xubinnimada Xisbiga

22 The National Unity Party 1. Xubinnimo guud: waxaana la siiyaa ruxii xisbiga taageera laakiin aan isi saarin mas'uuliyaadka Xisbiga (sida bixinta qaaraanka rasmiga ah, kasoo qaybgalka shirarka iyo tabarradda). 2. Xubin-sharafeed: waxaana la siiyaa ruux ku mutaystay hawl uu u qabtay xisbiga dartiis. 3. Xubinnimo rasmi: waxaa la siiyaa ruuxii ka qaybgalaya hawlaha Xisbiga si dhameystiran sida ku tilmaaman Xeer-hoosaadka (qodobka ???) Noocyada Xubinnimada

23 The National Unity Party 1. Si qofku uu xubin uga noqdo Xisbiga waa inuu codsi xubinnimo u soo gudbiyaa laanta Xisbiga ee degmadiisa ama dalka uu uga noolyahay qurbah. Codsiga waxaa lagu soo lifaaqayaa taageerada labo xubnood oo rasmi ah. Codsiga Xubinnimada

24 The National Unity Party 2. Si qofku uu xubin uga noqdo Xisbiga waa inuu codsi xubinnimo u soo gudbiyaa laanta Xisbiga ee degmadiisa ama dalka uu uga noolyahay qurbaha. Codsiga waxaa lagu soo lifaaqayaa taageerada labo xubnood oo rasmi ah. 3. Xubin kasta oo Xisbiga ka mid noqota waxaa laga diiwaangelinayaa degmada ama faraca qurbajoogta oo uu ku noolyahay. Codsiga Xubinnimada

25 The National Unity Party 1. Diiwaanka Guud ee Xisbiga waxaa la dhigayaa xafiiska xoghayaha guud iyo xoghayaha dawladaha Federaalka ah. 2. Xubinimada waxaa lagu keydinayaa xafiisyada Xoghayaha Guud iyo Xoghayayaasha Dawladaha Federaalka ah. Diiwaangelinta xubinnimada

26 The National Unity Party  Xubin kasta waa inuu qaataa lambar muujinaaya degmada uu ku noolyahay oo laga rabo inuu ka hawlgalo. LAMBARKA XUBINIMADA

27 The National Unity Party 1. Dhowrista Axdiga aasaasidda, xeer hoosaadka iyo siyaasadaha Xisbiga. 2. Ka qayb qaadashada hirgelinta ujeedooyinka Xisbiga iyo barnaamijyadiisa. 3. Ilaalinta sirta Xisbiga iyo ka difaacidda dicaayadaha. 4. Bixinta joogtada ah ee qaaraanka Xisbiga si waafaqsan Xeer-Hoosaadka. 5. Ka qaybgalka joogtada ah ee hawlaha iyo kulamada Xisbiga. Xilalka iyo Waajibaadka Xubnaha Rasmiga ah

28 The National Unity Party 1. Qaadashada aqoonsiga xubinnimada. 2. Ka faa`iidaysiga dhismaha mugga iyo barnaamijyada tababarrada lagu tayaynayo awoodda iyo kartida xubnaha. 3. In la dhegaysto, lana siiyo fursad ay kusoo gudbiyaan fikrado iyo hindisayaal hay'adaha Xisbiga. Xuquuqda Xubnaha Rasmiga ah

29 The National Unity Party 4. Ka doodista iyo u codeynta arimaha Xisbiga. 5. In laga ilaaliyo Xisbiga dhexdiisa wax kasta oo sharaftiisa dhaawacaya. 6. Inuu dooran karo, isagana loo dooran karo xilalka kala duwan ee Xisbiga. 7. Waajibaadka iyo xuquuqda heerarka kala duwan ee xubinnimada waxaa xeerinaya xeer- hoosaadka Xisbiga. Xuquuqda Xubnaha Rasmiga ah

30 The National Unity Party 1. Ka qaybgelidda shiraarka guud ee Xisbiga. 2. Ka qaybgelidda tababarrada iyo wacyigelinta guud ee Xisbiga. 3. Qaadashada aqoonsiga xubinimada guud. 4. Ka qaybgelidda doodaha lagu hormarinayo hawlaha xisbiga. 5. Ka qaybgelidda ololayaasha doorashooyinka iyo qaraan u ururinta murashixiinta. Waajibaadka iyo Xuquuqda Xubinnimada Guud

31 The National Unity Party  Xubinnimada Xisbiga waxaa lagu waayi karaa geeri, is-casilid iyo casilid. Hannaanka waayitaanka xubinnimadana waxaa habeynaya Xeer-Hoosaadka Xisbiga. Luminta Xubinnimada

32 The National Unity Party  Website ( english): http://midnimoqaran.so/eng/index.php/en/http://midnimoqaran.so/eng/index.php/en/  Website (Somali):http://midnimoqaran.so/som/index.php/en/http://midnimoqaran.so/som/index.php/en/  Facebook: https://www.facebook.com/XisbigaMidnimoQaranhttps://www.facebook.com/XisbigaMidnimoQaran  Tuitter: @Midnimo_Qaran  Email: info@xmq.soinfo@xmq.so MACLUUMAAD DHEERI AH

33


Download ppt "XISBIGA MIDNIMO- QARAN MIDNIMO NABAD BARWAAQO SOMAALIYA ©2014."

Similar presentations


Ads by Google