Presentation is loading. Please wait.

Presentation is loading. Please wait.

XISBIGA MIDNIMO QARAN Midnimo – Nabad - Barwaaqo.

Similar presentations


Presentation on theme: "XISBIGA MIDNIMO QARAN Midnimo – Nabad - Barwaaqo."— Presentation transcript:

1 XISBIGA MIDNIMO QARAN Midnimo – Nabad - Barwaaqo

2 TABABARKII 2aad

3 GOGOLDHIG: 1.Tan iyo burburkii dawladdii dhexe 1991, Soomaliya waxay ku guuldaraysatay inay dhisto dawlad xasilisa dalka. Si looga baxo xaaladdaas, Somaliaya waxay u baahan tahay dib-udhis qaran oo dhan walba leh. 2.Si loo gaaro yoolkan waa in la helaa axsaab siyaasadeed, si looga gudbo beel-wax-ku- qaybsiga looguna tallabsado doorasho xor ah. 3.Si loo xaqiijiyo arrintaas ayaa la asaasay Xisbiga Midnimo Qaran 26kii febraayo 2014.

4 4.Xisbigu wuxuu qortay barnaamij siyasadeed oo qabyo qoraal billow ah oo ka tarjumaya aragtida Xisbigu, oona tusmaynaya wuxuu xisbigu kaga duwanyahay axsaabta kale dalka. 5.Barnaamijkan waxa si ku-meel-gaar ah u ansixiyay golaha dhexe ee Xisbiga MQ shirkiisii 1aad oo ka dhacay Moqadisho 30kii may 2014, dib-u-eegisna lagu sameey doono 2 sano gudohooda. 6.Barnaamijakan qabyo qoraalka wuxuu ka kooban yahay 16 qodob oo xisbigu u arkay in ay muhiim u yihiin jidka dib-udhiska qaran iyo midka dawladeed.

5 16ka Qodob ee Barnaamajka Xisbiga 1. Maamulka 2. Amniga Qaranka 3. Siyaasadda Arimaha Dibadda 4. Dhaqaalaha 5. Garsoorka 6. Daryeelka Caafimaadka 7. Waxbarashada 8. Daryeelka Bulshada 9. Tayeynta iyo Kobcinta Dumarka 10. Tayeynta iyo Kobcinta Dhalinyarada 11. Tamarta 12. Bay’ada 13. Isgaarsiinta 14. Saxaafadda 15. Gaadiidka iyo Jidadka 16. Soomaalida Qurbajoogta ah

6 1.MAAMULKA Maamul xumadu waa sababta ugu wayn ee qaran-jabka Soomaaliya, waana tan ugu wayn ee caqabada ku ah dib-u-dhiska maanta. Siyaasadda xisbiga ee dhinaca maamulku waa “In la dhiiri-galiyo sidii loo abuuri lahaa isla- xisaabtan cad, loogana hortago maamul-xumo, musuq iyo cashuurta oo lala fakado”.

7 Xisbigana wuxu maamulka ku hagi doonaa xaqiijinta tiirasha maamulka suuban: Isla-xisaabtanka cadcad (acountability); Xuquuq loo siman yahay (equal opurtunity); Hirgalinta sharicga; Tixgalinaya doorka deeq-bixiyayaasha iyo maalgeshiga; Qaab-dhismeed dawladeed oo macquula (feasible structure); Shaqo ku dhisan xirfad iyo maamul aqoon;

8 Howlaha dawlada laga ilaaliyo eex iyo qof-jeclaysi. Xilalka dawlada loo dhiibo dad tusaale noqon kara, lehna maamul wanaag bulshadana ugu adeegaya si ku dhisan ixtiraam, islaweyni lahayn (humbleness). In la abuuro dhaqan wada-shaqayn iyo iskaashi kaas oo ka dhexeeya dhamaan hay’adaha dawaladda. In la abuuro hanaan tabashada iyo cabashooyinka muwaadiniinta lagu xaliyo;

9 2.AMNIGA QARANKA Somaaliya waxay u baahantahay hab cusub oo dib loogu dhiso awoodaha hay’adaha amniga Qaranka, lana dhiso hayado amni oo damaanad qaadi kara illaalinta xuquuqda dadka iyo tan deegaanka; Xisbigu wuxuu mudnaanta siinayaa arrimaha amniga ee soo socda:

10 1.In la dhiso lana horumariyo dhamaan hay’adaha amni qaran; 2.In la dhiso lana horumariyo xoog boolis oo xirfad & awood u leh hirgeilinta sharciga & xaqiijinta amniga dadweynaha; 3.In la dhiso lana horumariyo xoog difaac Qaran oo xaqiijin kara hadafka amniga qaranka; 4.In la dhiso lana horumariyo hay’ada sirdoonka qaranka oo kartina u leh fullinta waajibaadkooda qaran;

11 5.In la bedelo sawirka soo jireenka ahaa ee hayadaha amnigu inay yihiin aalado caddaadis, loona bedelo kuwo si anshax leh ugu adeega umadda. 6.In loo fidiyo hay’adaha amniga taageero aaladeed (qalab), mid farsamo iyo kobcinta garaadka shaqaalaha; 7.In la siiyo fursado siman dhammaan muwaadiniinta ku kala nool degmooyinka dalka inay ka mid noqdaan shaqaalaha amniga qaranku; 8.In la aasaaso xidhiidh iyo iskaashi amni gobolleed iyo mid caalami ah si looga hortago danbmiyada abaabulan iyo ka ganacsiga mukhaadaraadka.

12 3.SIYAASADDA ARRIMAHA DIBADA. Somalia waa inay beddesho siyaasadihii faashilka ahaa ee dagaal-u-joogga ahaa ee Somaliya kala dhexeeyey dalalka jaarka ah; Qorshaha siayaasadda arimaha dibadda ee xisbiga MQ wuxuu ku salaysanyahay: 1.Xaqiijinta iskuxidhka iyo xidhiidh lala samynayo wadamada gobolka & dalalka caalamka.

13 2.In la hirgaliyo hanaan nabadeed dhamaystiran, lana taageero iskuxidhka wadamada xubnaha ka ah urur goboledyada ay Somalia xubinta ka tahay; 3.In mudnaan la siiiyo kor u qaadida awooda siyaasadeed loona marayo siyaasad xirfadaysan, cudud shaqaale oo tababaran iyo aqoon farsamo; 4.Kaalin muuqata iyo waxqabad ay Somaliya ku dhex yeelato gudaha ururada kala duwan oo ay Somaaliya xubinta ka tahay.

14 5.In xirii gaar ah lala yeesho dalalka ay ku suganyihiin muwaadiniin qurbojoog Soomaaliyed iyo kuwa matigeliyey qaxootiga Soomaaaliyeed, lagana shaqeyo daryeelkooda iyo dib u soo celintooda. 6.In dib loo hagaajiyo sumcaddii xummaatay ee Soomaalida, lana soo celiyo tixgelintii ay Somaliya ku dhex lahayd buloshada caalamka; 7.In la abuuro xiriir xisbigu la leeyahay xisbiyada kale ee gudaha iyo kuwa dalalka kale, si loo xoojiyo saaxiibtinimada, khibradaha la wadaago;

15 4.DHAQAALAHA Dib-u-curinta dhaqaaluhu wuxuu ku salaysnaan doonaa khayraadka dalkeena sida beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, kheyraadka macdanta, iyo ka faa-ideysiga ganacsiga stratejiga ah: 1.Diyaarinta jawi dhiiri gelinaya ganacsiga gaarka ah taaso kordhineysa shaqo abuurka, halbawlana u ah kororka hantida. 2.Diyaarinta sharci lagu hago maaraynta maaliyadda qaran, xakamaynta kharshka dawladda, iyo ilaalinta hantida guud ee dawladda.

16 3.Ka faa-ideysiga khayraadka dabiiciga ah, iyo qiime- dhiska, warshadeynta iyo suuq-geynta xirfadeysan. 4.Abuuridda jawi sahlaya maalgashiga sokeeye iyo ka shisheeye, lana abuuro dhaqaale fadhiya, kuna dhisan ganacsi kala duwan. 5.Soomaliya noqoto suuq ganacsi oo xor ah iyo albaabka ganacsi ee isku xira Afrika iyo dalalka ku teedsan gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya. 6.Mutnaan la siiyo horumarinta dhaqaalaha soo jireenka ah sida beeraha, xoolaha iyo kalluumaysiga lana casriyeeyo wax-so-saarkooda.

17 5.GARSOORKA Sanadkii 1991kii waxaa burburay dhamaan hay’adahii sharci dejinta, hayadihii kale ee shariciga wax ku xukumi lahaa, iyo kuwi xukun fulinta. Tan iyo sanadkii 2000, shirkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti, waxaa la goa’amiyay in Shareecada islaamiga noqoto marjaca shuruucda dalka loo dejiyanayo. (DKM 3.1).

18 Madaxda dawladdihi naso maray waxay baabi- iyeen sareynta qanuunka si ay fursad ugu helaan ku takri falka hantida guud. Ujeedooyinka Xisbiga MQ dhinaca caddaaladda waa: 1.Ku dhaqanka shareecada islaamka, loo marayo Itijihad, iswaaafajinta xeerarka dhaqanka iyo diinta. 2.Abuurista nidaam sharci dejin oo madax banaan, kana hawlgala heer qaran, gobol iyo degmo; 3.Dib u dhiska iyo dayactirka wixii ka haray kaabayaashii hay’adihii sharciga dejinta;

19 4.Samaynta qaab tababar joogto ah oo abuura shaqaale daacad ah, tayo iyo aqoon u leh, mihnadooda shaqo; 5.Sugidda xuquuqda dhaqaale, caafimaad iyo degaan si hawlwadeenada u helaan nolol fiican; 6.Si loo helo caddaald sugan, in si weyn loola diriro laaluushka, iyo eexda ku habsatay garsoorka. 7.Dib u habayn in lagu sameeyo nidaamka xabsiyada iyo ciidanka asluubta iyo booliska, lana helo nidaam lagu ilaaliyo sharafta insaanka.

20 6.DARYEELKA CAAFIMADKA Tan iyo 1991, waxaa burburay dhamaan kaabayaasha caafiaamadka. Shaqaalihii aqoonta u lahaa caafimaadka ayaa qaarna dhinteen, qaarna carareen, kuwa kalena noqdeen hawlgab; Hayado ganacsi gaar ah, iyo kuwo samafal wadani iyo caalami isugu jira ayaa la wareegay dhamaan adeegyadii caafimaad sida: xarumo caafimaad, daaweynta, soo dejinta daawada, soo saarka xirfadlayaal iyo dhaqaatiir;

21 Xisbigu wuxuu muhimad siin doonaa barnaamijka aasaasiga daryeelka caafimaadka: 1.Dardargelinta caafimaad aasaasiga ah: fayadhowrka, daryeelka hooyada iyo caruurta, iyo ciribtirka cudurada faafa. 2.Abuurista nidaam qaran oo isku xiran, oo ka dhexeya: dawladda, ganacsatada iyo hay’adhaa samafalka. 3.Abuurista goobaha caafimaad ee dawladdeed sida isbitaalada, xaruumaha MCH, iyo farmashiyaal oo tayo sare leh;

22 4. Horumarinta shurrurcda iyo hanaanka lagu maamulo caafimaadka, iyo diiwaangelinta xirfadlayda caafimaadka, lagana ilaaliyo been- abuurka; 5. Sugista caymiska daryeel caafimaad, lana waafajiyo mabaadiida islaamka iyo kan ganacsiga gaarka ah, loona dhigo hanaan lagu tashan karo;

23 7.WAXBARASHADA Waxbarashadu waa furaha beerista shaqsiyadda waddaniyadeed, saldhigna u ah isdhexgalka bulshada. Xisbiga Midnimo Qaran wuxuu aaminsan yahay in Soomalidu tahay Jinsi Islam, Afrikaan iyo carab ah, kala duwanaashahana inuu faaiido u yahay xiriirka aan la leenahay ummadaha kala duwan ee aan maanta ka midka nahay.

24 Bilawgii dagaalkii sokeeye, haykalkii waxbarashada wuu burburay, dib u noolaynteediina waxaa gacanta ku dhigay uururrada buslshada iyo ganacsato, kuwaasoo abuuray nidaam waxbarasho oo aan dawlad ku tiirsanayn. Waxbarahada maanta jirta waxaysan lahayn mabaadiida hogaamin iyo manhaj haga oo qaran, halbeegyo isku mid ahna leh, waxaana maqana cududu shaqaale oo u tababaran.

25 Haddaba barnaamijka xisbiga ee waxbarashada waa sidan soo socota: 1.Siyaasadda qaranka ee waxbarshadu waa inuu xoojiyo midnimada qaranka, horumariyo dareenka waddaninimo, dhaqanka dimoqraadiga ah iyo ilbaxnimo masuuliyadaysan. 2.Abuurista gole qaran oo haga waxbarashada hoose iyo tan sare, kaasoo awood u haysta qorsheynta iyo dejinta halbeegyada manahijta tacliinta; 3.In la abuuro iskaashi dawladda iyo ganacsiga xorta ah ee xagga maalgashiga iyo hormarinta tacliinta.

26 5.Dhaqangelinta waxbarashada aasaasiga oo lacag la’an la siiyo dhamaan caruurta, una siman yihiin ragga iyo haweenka; 6.In la abuuro macaahid teknoolajiyadeed iyo xaruumo soo saara dad leh mihnado farsamo kala duwan, shaqo abuurna u sameeya dad badan; 7.In wax lagu barto Af-ingriis, sidoo kalena Somali iyo carabigu loo qaato luqadda rasmiga ee waxbarashada manhajka iyo barnaamjiyada. 8.In hanaan waxbarasho loo abaabulo dadka dadka waweyn, kuwa laxaadka dhiman, sida: curyaaminta, indhoolayaasha, dhagoolayaasha, iwm.

27 8.DARYEELKA BULSHADA Dagaalkii sokeeye wuxuu keenay dhib bulsho oo aad u weyn, una baahan in Dawladda, xoogaga bulshada,hay’adaha aan dawliga ahayn iska kaashadaan. Kooxaha daryeelka u baahan waxaa ka mid ah: agoonta,caruurta aan waalidkooda la aqoonin, curyaamada, dadka da’da ah, kuwa dhimirka looga jiro, fuqarada, barakacayasha, qaxootiga so noqday, iyo dadka laga tira badahnyahay inay helaan xuquuqdooda dhaqan-dhaqaale (DKM 27;5);

28 In la dhiiri-geliyo abuurista ururo bulsho oo ka wada shaqeeya danaha u gaarka ah kooxahaas dhibaataysan iyo inay ka qayb qaataan siyaasadaha la xiriira danaha kooxahaas. Xisbiga wuxuu habeyn doonaa isku-xirka iyo wada-shaqaynta hay’adaha dawladda, kuwa gaarka loo leeyahay, Ururada bulshada, kuwa samafalka, kuwa waqfiga, iyo kuwa sakada- si looga adkaado faqriga.

29 9.TAYAYNATA IYO KOBCINTA HAWEENKA waxaa nasiib darra ah in qaybo ka mid ah dhaqanka iyo islaamka si khaldan loo fahmay taasna ay sababtay in dumarka fursadooda ku aadan ka qayb galka siyaasadda, arimaha bulshada, iyo dhaqaalaha la hor istaagao.. Aqoonta islaamka oo kobocday iyo fahamka dhex- dhexaadka oo xogaystay, iyo korniinka ururada bulshada waxay sababeen dawrka dumarka oo kor soo aaday dhinaca tacliinta, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Hadafka xisbiga ee ku aadan dumarka waa ‘ in la horumariyaa loona abuuraa dumarka soomaliyeed fursado ay uga qayb qaadan karaan siyaasadda, dhaqanka iyo dhaqaalaha;

30 1.Xisbigu wuxuu u ololeey doonaa in siyaasadaha dawladda lagu daro arimaha horumarinta haweenka; 2.Xisbigu wuxuu xaqiijin doonaa in si siman ragga iyo dumarkuba uga fa’idaystaan barnaamajyada daryeelka bulshada sida tacliinta qaybaheeda kala duwan, caafimaadka, shaqo siinta, iyo adeegyada kaloo dhan. 3.In loo ololeeyo in dumarku in si mug leh u bartaan diinta islaamka si loo soo saaro dumar aqoon sare u leh diinta islaamka oo difaacaan kara xuqquuqdooda;

31 4.Xisbia wuxu u ololeyn doonaa barnaamajyo loogana hortago shaqaaqooyinka guryaha ka dhaca, gudniinka fircooniga ah, iyo cunsurinimada logula dhaqmo haweenka. 5.Horumarinta, dhiirigalinta iyo kobcinta dumarka si ay uga qayb qaataan dhismaha dawladda, goa’an qaadashada arimaha qoyska, bulshada, xisbiga iyo dawladda. 6.Samaynta ururo bulshadeed dumar, Hay’adaha aan dawliga ahayn ee heer federaal, mid gobol, mid degmo iyo qoobaha dumarka qurbajoogta, ayagoo kaalin mug weyn ku leh arrimaha midnimada qaran.

32 10.TAYAYNTA IYO KOBCINTA DHALINYARADA Dhallinta soomaliyeed waxaa lagu qiyaasa iney yihiin bar tirade guud ee waddanka, taas oo ka dhigaysa soomaliya waddan dhalinyaro. Dhibaatooyinka dhallinta waxaa ka mid ah shaqo la’an, ka qayb-qaadashada siyaasadda oo kooban, qalabka iyo garoomada ciyaaraha oo burbursan, aqoon darro, tababar la’an baahsan, hoos u dhaca iyo xagjirnimo qabiil iyo mid diineed. Xisbiga barnaamijkiisa ku aadan Tayaynta iyo kobcinta dhallintu waa:

33 1.In siyaasadaha qaranka lagu daro hirgalinta barnaamijyada khuseeya dhallinta iyadoo lala kaashanyo hay-adaha aan dawliga ahayn. 2.Abuurista golayaal hoggaan dhallinyaro oo dhalinta ku haga ka qaybgalkooda arimaha bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dib-u- dhiska. 3.Dhiiri galinta abuurida ururo bulsho dhalinyaro kana abuurmaan heer federaal, mid gobol, mid degmo iyo qurbajoogta;

34 4.Horumarinta dhismaha jirka, anshaxa iyo ruuxda dhallinyarada, dareenkooda wadaninimo iyo fahamkooda qiyamka islaamka, lana hakameeyo xag-jirnimada. 5.Dhiirigalinta in la abuuro barnaamijyo tababaro farsamo iyo shaqo abuur; 6.Dhaqan-celinta kuwa ku fogaaday balwadaha iyo xagjirnimada, xanaanaynta, curyaamada, ciyaalka lagu shaqaysto, caruurta la askareeyo, iyo agoonta.

35 11. TAMARTA Soomaliya waxay qani ku tahay khayraadkeeda kala duwan ee aan wali lasoo saarin, sida betrool, gaaska, yuraaniyaam, biro kala duwan, cusbo iyo kuwa kaloo abdan. Sidoo kale, maadaama Soomaliya ku taallo dhulbaraha dunida waxay qani ku tahay tamarta qoraxda iyo dabeysha oo laga dhalin karo koronto badan. Labada webi ee Juba iyo Shabelle sidoo kale waxaa laga dhalin karaa tamarta korontada. Kolkii dawladdii dhexe bur-burtay waxaa la burburay warshadihii korantada dhalin jiray, waxaa badalay shirkado yar yar oo shida matoorro yar-yar oo qiimahoodu aad qaali u yahay.

36 Barnaamijka tamarta ee Xisbigu MQ waa: 1.In la dhimo isticmaalka tamarta dhulka hoose laga qodo lana badiyo ka fa’ideysiga tamarta laga dhaliyo qoraxda, dabaysha, biyaha iyo kulka dhulka hoose (geothermal); 2.In la dhimo baahida loo qabo isticmaalka dhuxusha, alwaaxda si loo yareeyo saamaynta bay’ada loona joojiyo dhoofintooda. 3.In la diyaariyo shaqale aqoon u leh soo saarka tamarta iyo adeegsiga aaladda tiknoolajiyada loo isticmaalo tamarta.

37 4.In la soo saaro betroolka iyo gaaska, lana ilaaliyo bay’ada, lagana dhowro ku tagrifalka shirkadaha shisheeye, lana socda sicirada suuqa caalamiga. 5.Dib-udhiska xarumo dhaliya tamarta iyo iskuxirka shabakad korantada qaranka, si waafaqsan heerka caalamiga ah. 6.Abuurista iskaashi caalami ah iyo mid goboleed ee korontada, iyo in la ilaaliyo heshiisyadii caalamiga ee wax-ku-ool u aha dalkeena.

38 12.BAY’ADA Hoos u dhaca ku yimaada tayada bay’ada wuxuu ka mid yahay arimaha ugu waawayn ee sababa faqriga. Bay’ada oo xumaata waxaa ka mid ah hoos u dhaca tayada carrada, biyaha iyo hawada. Waxaana tirtirma noocyo qaali ah oo ka mid ah duur-joogta, geedaha iyo kallunka. Si loo xafido bay’ada, waxay u baahan tahay go’aan siyadsadeed iyo sharciyayn looga hortagayo xadgudubyada loo geysto bay’ada. ‘Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu helo bay’o nadiif ah oon khatar ku ahayn cafimaadkiisa, waana in laga ilaaliyo bay’o sumaysan iyo shay walbo wax u dhimi kara. (DKM 25:1)

39 Xisbiga MQ borograamkiisa bayadu waa sidan: 1.In degdeg loo joojiyo xawliga hoos-u-dhaca bay’ada ee hadda taagan; 2.In dib-loo soo celiyo nidaamkii dabeeciga ahaa ee koritaanka bay’ada asaliga ah. 3.In la sameeyo wacyi galin muwadininta lagu barayo ahmiyada ay leedahay wanaajinta bay’ada, kana qayb qaataan wanaajinteeda. 4.Horumarinta siyaasadaha lagu ilaaliyo maaraynta bayada iyo khayraadka dabiiciga ah;

40 13. ISGAADHSIINTA Helitaanka isgaadhsiin lagu kalsoonaan karo waa arimaha ugu muhiimsan ee qayb qaata horumarinta dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee qaran walba. Markii dawladii soomaliyeed burburtay 1991kii, shirkado isgaadhsiin gaar loo leeyahay ayaa soo baxay; Waxayna 1998dii samaysteen Isu tagga shirkadaha isgaadhsiinta soomaliyeed. Xisbiga MQ waxaa hadaf u ah in la abuuro iskaashi wada shaqayn oo dhex-mara dawladda iyo shirkadaha isgaadhsiinta;

41 Barnaamijka Xisbiga ee ku aaddan isgaadhsiinta waa sidan: 1.Waa in la hirgaliyaa sharcigga isgaadhsiinta oo ilaalinaya danta muwaadiniinta iyo tan shirkadaha isgaarsiinta. 2.Waa in shirkadaha isgaadhsiintu is wada wici karaan kana heshiiyaan qaabka ay lacagaha isku siinayaan, si loo ilaaliyo danta shacabka iyo midda shirkadahaba. 3.Dhiiri galin isgaadhsiinta casri ah, internetka iyo arimaha la xiriira si loo horumariyo dhaqaalaha, isdhex-galka bulsho, waxbarshada iyo caafimaadka.

42 4.In laso xidho xiriir hay’adaha isgaadhsiinta caalamiga si looga faa’idaysto khibradaha dunida kale. 5.In la raadiyo maalgashi caalami ah oo isgaadhsiineed lana ilaaliya danaha muwadiniinta, shirkadaha wadaniga ah iyo amniga qaranka. 6.Dhiiri-galinta khubaro aqoon u leh isgaadhsiinta casriga ah si aan looga hadhin xawliga isbadalka teknolojiyada isgaadhsiinta.

43 14. SAXAAFADDA Tan iyo 1991kii, waxaa soo baxay shirakado tira badan oo saxaafadda ka shaqeeya gudaha iyo dibadaba. Wax sharci ah oo xakamaynaya maysan jirin tan iyo 2007dii. Saxaafaddu waa iney horumarisaa wacyi galin guud, aqoon, iyo iney faafiso fikir iyo xog sax ah.

44 Barnaamijka saxaafadda ee xisbiga MQ waa: 1.In labuuro dhaqan saxaafadeed ilaaliya midnimo qaran horumarinta bulshada, kana hortaga faafinta nacaybka. 2.In la xaqiijiyo xornimada saxaafadda lana ogolaado helidda xogta sida ku cad dastuurka ku-meelgaarka ah. 3. In laga hortago in saxaafdda ay faafiso xog been abuur ah oo lagu dhaawacayo amniga qaranka iyo tan muwaadiniinta. 4.In la hirgaliyo qodobka anshaxa saxaafadda, lana kaashado talada iyo aqoonta shaqaalaha saxaafadda.

45 5.Abuurista golaha qaranka ee saxaafadda oo madax banaan, waana gole ay ku tashtaan xirfadlayda saxaafadda. 6.Abuurista xeerka lagu ilaaliyo adeegga bulshada (ii- dheda) si loo hanto anshaxa iyo dhaqanka islaamka. 7.in macaahidda iyo jaamacadaha lagu dhiiri galiyo inay soo saaran shaqaale saxaafadeed oo aad u carbisan, lana horumariyo af Soomaliga saxaafadda. 8.Dhiirigalinta xiriir saxaafadda gudaha iyo tan dibadda si ay isu waydaarsadaan khibradaha, xogta iyo tababaarda.

46 15. GAADIIDKA IYO JIDADKA Gaadiidku wuxuu muhiim u yahay si loo gaaro suuqa iyo adeega asaasiga ah, iyo isu - socodka dadka iyo badeecada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka dalka. Goobta joqoraafi ee Somalia kaga taallo Afrika waxay fursad u tahay in laga faa- ideysto isku xirka gaadiidka badda, cirka iyo dhulka ee wadamada Geeska Afrika, Carabta iyo dalalka Asiya.

47 Siyaasadda xisbiga ee gaadidku waa. 1.In la sameeyaa sharciyo lagu ilaaliyo ammaanka gaadiidka iyo isu-socodka, 2. La dhiso kaabayaasha jiadadka, buundooyinka iyo dekedaha si loo gaaro goob kasta oo dalka ah, qiime jabanna lagu adeegto. 3.Horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha gaadiidka iyo ganacsiga waa inay la jaanqaadaa dhowrista bay’ada; 4.Abuurista iskaashi gudaha iyo mid caalami si loo si loo dhiso, loona casriyeyo maaraynta gaadiidka iyo kaabayasha.

48 5.In ahmiyadda gaar ha la siiyo abuurista dekedo iyo jidad isku xira xeebaha dalka si loo maalo khayraadka badda iyo xeebaha ugu dheer Afrika. 6.Soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo iskaashi si loo abuuro kaabyaasha gaadiidka sida jidadka tareenada,dakadaha,garoonada diyaaradaha iyo jidadka waaweyn.

49 7.Soo saaridda xoog shaqaale oo tababaran kana shaqeeya qayabaha gaadiidka, waxaana soo saari wadashaqayn lala yeesho jaamacadaha, macaahidda tababarka iyo kolajyada farsamada gacanta. 8.Horumarinta iyo iskaashiga xiriirka caalamiga ah ee gaadiidka si laisu - waydaarsado khibradaha loona sameeyo ganacsi la wadaago.

50 16. SOOMALIDA QURBAJOOGTA AH Waxaa lagu qiyaasaa 20% oo u dhiganta laba milyan oo muwaadiniin Soomali ahi iney ku noolyihiin dibadda. Bangiga aduunku wuxuu ku qiyaasay qurbajoogtu sannad waliba iney dalka uso diraan lacag ka badan hal bilyaar $$. Maalkan wuxuu aadaa ganacsiga gaarka ah, hantida maguurtada ah, tacliinta qoyska, iyo nolosha reeraha.

51 Sidaa darteed Xisbiga MQ wuxuu qurbejoogta Somaliyeed ku bogaadinayaa kaalinka ay ka qaateen daryeelka umaddooda iyo dhismaha dalka oo la’aantood noloshu ay ciriiri noqon lahayd. Xisbiga borograamkiisa qurbajoogtu wuxuu ahmiyadda siin doona : 1.Abuurista wasaaradda/ hay’ad arimaha qurbajoogta oo xiririsa qurbajoogta ah iyo waddanka, xoojisana xiriirka iyo iskaashiga wadamada ay joogaan iyo soomaliya.

52 2.In laga furo safaarado, qunsuliyado iyo xiriir gancsiga waddan walba oo soomalida qurbajoogtoodu ku xooggan yihiin. 3.In safaaradaha goobahooda ku yaal laga diiwaan geliyo qurba-joogta si ay uga qayb qaataan doorashooyinka waddanka dhacaya. 4.Dhiiri galin iyo tixgelin lala siiyo mashaariicda dhaqaale ee ay wadagaan qurbajoogta iyo shirkadaha wadamada ay joogaan. 5.Dhiiri-gelin abuurista adeegyo ku haboon qoysaska qurbajoogta ah ee soo noqonaya iyo fududeynta dhexgalka dadkooda.

53

54

55 XISBIGA MIDNIMO QARAN Midnimo – Nabad – Barwaaqo Website: Facebook: XisbigaMidnimoQaran


Download ppt "XISBIGA MIDNIMO QARAN Midnimo – Nabad - Barwaaqo."

Similar presentations


Ads by Google